Xog: Sida Xasan Sheekh moodo iyo xaqiiqda doorashada 2016ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa weli ku adkeysanaaya in dowladiisu ay qaban doonto doorashada xiligeeda.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in doorashada 2016-ka ay dhici doonto musuq-maasuq la’aan waxa uuna ballanqaaday in ujeedkiisu yahay in Somalia ay ka guurto dhibto ay ku jirto una guurto siyaasad degan oo wadashaqeyn leh.

Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay in doorashada Somalia ee 2016-ka ay noqon doonto mid ka duwan kuwii hore ay usoo martay Somalia, inkastoo ay dadka badi hadalkaasi u heysteen oraahdii aheyd “Shimbiryahow heesa”

Siyaasiyiinta badi ayaa qaba in Madaxweyne Xassan Sheekh aysan daacad ka aheyn in doorashada Somalia uu u qabto sidii loogu tallo galay, waxa ayna shaki ka qabaan in doorashada loo maro wadooyin musuq leh.

Siyaasiyiinta ku lug leh Axsaabta dalkaka jirta ayaa Madaxweyne Xassan dhowr jeer ku eedeeyay inuu u tafa-xeydanaayo inuu afganbiyo nidaamka doorasho ee 2016-ka isaga oo ku dhiiranaaya inuu maamulka doorashada loo maareeyo sida rabitaankiisa ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu shaqsi ahaantiisa juhdi ku bixinayaa in dadka kula loolamaaya Siyaasada uu ka dhaadhiciyo rajada uu ka qabo doorashada, hayeeshee waxaa laga aaminsan yahay inaanu laheyn qaab lagu aamino.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan ayaa diyaar garow aan saameyntiisa muuqan ku jira si mar kale uu uga soo dhexmuuqdo Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com