Sawirro: Xasan Sheekh oo mool qurux badan ka dhisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya xogo is dabajoog ah oo ku saabsan dhismaha cusub ee dhawaan lagu soo gabagabeyn doono ”Moolka” dhinaca ku haya Xarunta maamulka Gobolka Banaadir degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Moolkaasi oo noqon doona kan ugu weyn magaalada Muqdisho laga dhiso dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay ayaa waxaa lasoo warinayaa in sheer ay ku yihiin xubno dhowr ah oo ka tirsan Damul-Jadiid oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Mid kamid ah ganacsatada ugu caansan ee sida aadka ah looga yaqaan magaalada Muqdisho kana tirsan DFS, ayaa xaqiijiyay in dhaqaalaha lagu dhisaayo Moolkaasi cusub uu seddex meelood hal meel iyo bar uu baxshay Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh oo isagu kasii dhamaanaaya wakhtiga.

Ganacsadahaani oo sababo jira aawgood uga gaabsaday adeegsiga magaciisa ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu sidoo kale goobo ganacsi oo dhowr ah ku leeyahay wadamo ay kamid tahay Kenya, isla markaana dhismaha moolka cusub uu daba socdo dhismooyin kale oo qoyskiisa uga socdo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho sida dhismo ku yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Waxa uu carab dhabay in ragga shirkada kula ah dhismahaasi ay isugu jiraan kuwo isaga iminka ku wehliya Siyaasada iyo Ganacsato qaraabo dhow la ah oo kaalin ka qaatay ololihii doorashadiisa.

Ragga kamidka ah sheerka ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiro nin isaga la dhashay oo ganacsato caan ah kaasi oo lagu magacaabo Cali Sheekh.

Dhismahaani Moolka ah ayaa waxaa dadka ku ganacsan doona qeyb ka noqon doona Ganacsato Turki ah, waxaana lasoo warinayaa in kiradiisa Sanad loo shubi doono taasi oo micnaheedu yahay inaan la kireyn doonin wixii sanad ka yar.

Qorshaha Moolka ayaa waxaa kamid ah in la dajin doono Shirkado, halka qeybaha hoose ay noqon doonaan Carwooyin, waxaana sidoo kale qeybaha sare loo diyaariyay in laga dhigo maqaayado heer sare ah, sida aan xogta ku helnay.

Ma jirto ilo madax-banaan oo xaqiijinkara markii laga soo tago Ganacsadahaasi caanka ah kana tirsan Dowlada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

6

7