Xog: Beesha caalamka oo Xasan iyo CC ka shakisan una yeertay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo diblumaasiyiin ah oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in maalmaha nagu soo aadan in kulan laba dhinac ah uu dhexmaro Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia iyo Madaxweyne Xassan oo uu wehlin doono Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid.

Kulanka uu qorshihiisu iminka socdo ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco Villa Hargeysa, waxaana kulankaasi marti galintiisu qaadan doonta DFS, gaar ahaan Xassan Sheekh iyo Sharmaarke.

Xogta waxa ay intaa raacineysaa in dalabka kulanka uu ka imaaday dhanka Beesha Caalamka, waxaana kulankaasi diirada lagu saari doonaa in doorashada ay xiligeeda dhici doonto iyo in lagamamaarman tahay in muddo kordhin lagu dhaqaaqo sida ay xogtu sheegeyso.

Kulanka waxa uu imaanayaa iyadoo Madaxweyne Xassan Sheekh uu dhowr jeer Beesha Caalamka ka dalbaday in muddo 2 sano ama 3 bil loogu darro si uu ula imaado doorasho cadaalad leh.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa lagu wadaa in Xassan Sheekh lagu siiyo awaamir dhanka doorashada ah ama in Beesha Caalamka uu kala kulmo rajadii uu naawilaayay.

Lama saadaalinkaro miraha kasoo bixi doona kulanka xasaasiga ah ee dhexmari doona mas’uuliyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com