C/Weli Gaas oo xujo kala kulmay qeybinta xubnaha aqalka sare.!!

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa wali ku wareersan hab qeybinta hubnaha aqalka sare kaga soo aaday maamulka Puntland ee gaaraya 11 xubnood.

Madaxweyne Gaas ayaa doonaya in hab qabiileed beelaha Puntland loogu qeybiyaa xubnaha aqalka sare, balse waxaa diidan beelo qaar oo aan xubin ka helin xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa qaba in hab gobol lagu qeybiyaa dhamaan xubnaha aqalka sare u matalaya Puntland, laakiin waxaa diiday beelo qaar oo daga gobolka Mudug.

Beelaha Mudug ayaa qaarkood qaba in xubnahaasi la siiyaa beelaha kale ee waligood ka qadi jiray xubinimada baarlamaanka Soomaaliya, wallow madaxweyne Gaas uusan la dhacsaneyn arintaasi.

Waxaa wali magaalada ka socdo kulamo kala duwan oo arimahaasi looga arinsanayo, iyadoo madaxweyne Gaas uu xujooyin Adag kala kulmayo beelaha gobolka Mudug.

Culeeska kale ee saran madaxweyne Gaas ayaa ah in beelaha ay doonayaan in la da dajiyo dhismaha golaha deegaanka oo culees uu ka taagan yahay qaabka loosoo dhisayo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com