Uhurru oo waji gabax kala kulmay qorshuu Amisom ka damacsanaa

Nairobi (Caasimada Online) – Dhawaan madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa codsi u diray golaha ammaanka Qaramada Midoobay kasoo ku aadana in howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya loo wareejiyo Qaramada Midoobay in ay maamusho.

AMSIOM  waxaa maamulo Midowga Afrika waxaana dowladda Kenya ay rabtaa in laga wareejiyo Midowga Afrika loona wareejiyo Qaramada Midoobay..

Kulan ay yeesheen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayay gaashaanka u daruureen rajada dowladda Kenya ee ah in ay qaramada Midoobay ay maamusho ciidanka AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Dhawaan kulan dhexmaray madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru kenyatta iyo sidoo kale xoghayaha guud Qaramada Midoobe Ban ki Moon ayaa dowladda Kenya ku codsatay in qaramada Midoobay lagu wareejiyo howlgalka AMSIOM .

Dowladda Kenya ayaa ka mid ah dowladdaha ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya,waxaana marar badan dhacday in ay ku hanjabto in ay ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com