Wadaad Soomaali ah oo isku soo sharxay hoggaanka guud ee kooxda Daacish

London (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Somalia, ayaa isku sharxay inuu baddalo hogaamiyaha kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamka Abu- Bakar Al-Bagdaadi oo la rumaysan yahay inuu duqeyn ku geeriyooday.

Wargeyska Daily Star ee kasoo baxa magaalada London ayaa qoray in khubarada Britain ay ka digeen in hogaamiyahan Soomaaliga ah uu geerida Abu Bakar Al-Baghdadi u adeegsanayo inuu hogganaka kooxda la wareego.

Ayada oo ISIS looga adkaaday Iraq, islamarkaana maalmaheedii Syria ay gebo-gebo yihiin, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in Muumin uu Somalia ka dhigo xarunta cusub ee kooxdan, kuna casuumo jihaadiyiinta caalaamiga ah.

Shekeh Cabdulqaadir Muumin

Professor Candyce Kelshall oo ku taqasusay arrimaha argagixisada ayaa yiri “Maalmihii dhowaa Sheekh Cabdulqaadir Muumin wuxuu waday dadaallo dhinaca warbaahinta ah, oo uu dhigayey baraha kooxda Daacish, isaga oo riixaya fariinta ah in Somalia ay noqoto xarunta cusub ee khilaafada”

“Sababta oo ah waxa uu ku noolaa Britain, wuxuuna ka wacdin jiray masaajidada Britain, sidaa darteed fariirntiisa aad ayay usoo jiidaneysaa jihaadiyiinta British-ka iyo kuwa kaleba” ayuu yiri Kelshall.

Tan iyo markii la sheegay in Baghdadi la dilay, ayaa Muumin waxa uu billaabay inuu duubo codad iyo muuqaallo uu soo dhigay website-yada jihaadiyiinta, si uu sare ugu qaado fursaddiisa ah in loo dhiibo hoggaanka kooxda.

Professor Kelshall ayaa sheegay in Daacish uu jabweyn ka gaaray Ciraq, ayna lumisay rag badan oo sare, taas darteedna uu Muumin haysto fursad maadaama aysan jirin rag badan oo la loolamaya.

Kooxda Daacish ayaa fariisimo ku leh meelo ay ka mid yihiin buuraleyda Galgala, waxaana ay Soomaaliya ka fuliyaan weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com