Wadaado u socday quraan saar oo qarax lagu dilay iyo wararkii ugu dambeeyey

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ay la kacday mooto saddex lugoolay oo ay saarnaayeen sideed wadaad oo u socday Quraan Saar.

Ugu yaraan lix wadaad ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wadaadada oo labo ka mid ah ay walaalo ahaayeen ay ka baxeen degmada Xudur, islamarkaana ay ku socdeen guri lagu casuumay inay qur’aan ka akhriyaan, balse wuxuu qarax ku haleelay wadada dheer ee xiriirsa magaalooyinka Ceel Barde iyo Quracjoome.

Waxaa sidoo kale la filayaa in meydadka lixda qof saacadaha soo socda lagu aaso tuulada Banjinaay oo 15 KM u jirta magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan qaraxaasi.

Si kastaba ha’ahatee ma’ahan markii ugu horreysay oo uu qarax haleelo gaadiid ay la socdeen dad shacab ah, waxaana horey loo soo wariyey dhacdooyin tan la mid ah oo ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Somalia, sida wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye.