Justin Amash: Trump wuxuu Soomaaliya ku sameeyey wax aan la aqbali karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Justin Amash oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ayaa ku eedeeyey madaxweyne Donlad Trump inuu duqeymo badan oo dhanka cirka ah ka fuliyey Soomaaliya, kuwaasi oo dad badan lagu laayey.

Justin Amash ayaa ku doodaya in madaxweyne Trump uu jabiyay rikoore uu awoodi waayey madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama.

Tan iyo markii uu xilka qabtay Donald Trump ayaa waxa sarre u kacay duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lagu bartilmaamedsado argagixisada, sida lagu sheego warbixino ka soo baxa duqeymahaasi.

Sanadkii hore ee 2019-ka ayaa waxa uu Mareykanku ka fuliyaya gudaha Soomaaliya duqeymo badan, kuwaasi oo Justin aamisan yahay inay ka heer sareeyaan kuwii sideedii sanno ee Barack Obama.

Sida ay muujinayaan tirakoobka duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay ka geystaan Soomaaliya ayaa waxa cel-celis ahaan ka badan duqeymihii 2019-ka.

Mareykanka ayaa 2019-kii gudaha Soomaaliya ka fuliyay duqeymo dhan 63, taasi oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee duqeymaha uu Mareykanku tan iyo sanadii 2011-kii.

“Madaxweynaha dagaal-diidka ah ee Donald Trump ayaa bilaabay duqeymo ka badan kuwa cirka iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay marka loo eego inta uu Barack Obama fuliyay dhamaan sideedii sano,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaannada Kongareska Mareykanka ayaa iyaduna ka fal-celisay hadalka Justin, iyada oo gebi ahaanba ka hor-timid erey bixintiisa uu ugu yeeray Trump ee ‘Dagaal-diid’.

Ilhaan oo qoraal kooban uga fal-celisay qoraalka Justina ayaa tiri “Trump ma aha dagaal-diid, kaliya wuxuu ku dheel-dheela khudbadiisa”.

Dhowrkii sanno ee u dambeeyay waxa marba marka kasii dambeysa sarre u kacayey duqeymaha uu Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya, tan iyo markii uu xilka la wareegay Donald Trump.

Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe galaan-gal xoogan kulahaa arrimaha Soomaaliya, xili lagu tirinayo inuu yahay ‘gacan siiyaha u weyn’ ee dowladda federaalka Soomaaliya, marka loo eego dhanka amniga iyo arrimaha deeq bixinta.