Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ay haatan wadahadallo hoose u socdaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hoggaanka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca.
Wadahalladan ayaa intooda badan diirada lagu saarayaa guddiga farsamada ee ay dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya u magacowday Galmudug.
Ahlu Sunna ayaa ka hortimid ku dhawaaqista guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, taas oo keentay isfaham waa hor leh oo soo kala dhexgalay dowladda iyo Ururkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay dalbaday in la fuliyo heshiiskii ay la gashay dowladda oo ahaa in guddiga laga siiyo 6 xubnood, halka 7 kale ay qaadaneyso dowladda.
Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa soo jeedisay in gudiga loogu biiriyo 5 ilaa 6 xubnood oo ka dheeri ah 13kii xubnood ee horay loo magacaabay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona la filayo in dhowaan uu magaalada Dhuusamareeb dib ugu laabo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye, si loo xaliyo arrintaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]