Taabid Cabdi Maxamed oo ku taliyey in Cumar Filish lagu wareejiyey amniga Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taabid Cabdi Maxamed guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay muhiim tahay in mas’uuliyadda amniga Muqdisho lagu wareejiyo cid gaar ah oo lagala xisaabtamo falalka ammaan dari ee ka dhaca Caasimada.

Taabid ayaa ku taliyey in mas’uuliyadda amniga la hoos geeyo maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), si ugu yaan isbedal loogu sameeyo amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in hadda aysan jirin cid qaadata masuuliyada ami darro ee Muqdisho, muhiimna ay tahay in laga gudbi dhibaatooyinkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay la timaado qorshe cad oo laga sugayo amniga dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qaataan kaalintooda, dowladana ay kala shaqeeyaan amniga guud ee dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe Muqdisho ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad galyada oo uu badan dilal qorsheysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com