Somalia oo laga caawinayo arrimo

Muqdisho (Caasimada online) Warbixin Cusub ay soo saartay Hay’ada Caafimaadka aduunka ee Marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (WHO),ayaa waxay ku sheegtay inay caawineyso Dadka dhimirka la’ ee iyagu ku dhaqan wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay kuwaasi oo dadka ugu nugul dhibaatada,sida lagu sheegay warbixinta.

Hay’ada ayaa tibaaxday in Qorshaha uu ugu jiro sidii loo taageeri lahaa dadka Waalan oo inta badan ay wax ka gaaraan Maskaxda kuwaasi oo u baahan gargaar deg deg si wax looga qabto baahidooda,iyadoo fursadani ee hay’ada ay soo bandhigtay ku sheegtay inay ka faa’ideysan doonaan dad badan oo Maxkaxda looga jira.

Saraakiil ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Aduunka oo soo xiganeysa Wakaalada wararka Ghana ayaa waxay shaaciyeen in kormeer iyo tira koob ay sameeyeen ku ogaadeen in wadamada ay ka midka yihiin Soomaaliya,Afghanistan, Burundi, Indonesia Iraq, Jordan, Kosovo, Sri Lanka, Timor-Leste, Marinka gaza iyo wadamo kale oo aad u badan ay ku badan yihiin dadka dhimirka la’ kuwaasi oo aan haysan waxyaabihii aas-aasiga ay u baahnaayeen sida daryeel iyo waxii la mid ah.

“Runtii Hadii aan nahay hay’ada Caafimaadka Aduunka,waxaa xil naga saaran Qof walba oo bini-adam ah oo u baahan daryeel caafimaad,waana go;aan aan gaarnay inaan dadkaasi caawino”,ayuu yiri Sarkaal ay soo xigatay Wakaalada wararka ee Chana.

Wuxuu sheegay in arintaan ay ku dhiira gilineys inay caawiyaan dad badan oo dhimirka la’ kuwaasi oo daryeelkii ay u baahnaayeen aanay helin.

Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ka soo kabanaya qalalaasaha siyaasadeed,waxaana ku nool dad badan oo dhimarka looga jiro kuwaasi oo saameyn ay ku yeesheen dhibaatada dalka soo martay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com