Waddani iyo UCID oo kala qeybsaday xilalka maayarada – Yaa qaatay duqa Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ee ka jira deegaanada maamulka Somaliland, gaar ahaan Waddani iyo UCID ayaa ugu dambeyn heshiis ka gaaray cidda qaadaneya duqa magaalada Hargeysa oo tartan adag loogu jiray maalmihii lasoo dhaafay.

Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa shaaciyey inay doorashada ka hor mucaaradka heshiis ka gaareen awood qeybsiga siyaasadeed ee Somaliland, isla-markaana lagu heshiiyey in maayarka Hargeysa la siiyo UCID, halka guddoomiyaha golaha wakiilada Somlailand loo daayey xisbiga Waddani.

“Korsigan horta Maayarka sida madaxweynayaasha looma doorto ee xisbi ayuu ka soo baxaa marka axsaabta ayaa soo saara qofka noqonaya maayarka iyo maayar ku xigeenka,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland.

Sidoo kale Feysal Cali Waraabe oo ay hareero taagan yihiin musharraxiinta kala ah, Cabdikariin Axmed Mooge iyo Saciid Cabdisamad (Saciid Colay) oo kala metalaya xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay inuu tanaasulay Siciid oo u sharraxnaa UCID, isaga oo sheegay inay u daayeen maayarka Hargeysa Mooge oo ahaa musharraxii ugu codka badnaa.

“Korsigan horta kursi UCID ayuu ahaa aan idin warramee annaga iyo Waddani horey ayaan u heshiinay inay qaataan guddoomiyaha golaha wakiilada, annaguna maayarka Hargeysa,”.

Waa kale oo uu intaasi kusii daray “Cabdikariin Axmed Mooge Aabihiis ayaan saaxibo aheyn ilaahey ha u naxariistee waa inankeygii ayuu taagan yahay saaxibno waa aheyn marka uu ku jiray ololaha doorashada oo hore ayaan u taageeray,”.

Siciid Colay ayaa noqonayaa musharraxii saddexaad ee u tanaasula Cabdikariin Axmed Mooge oo u taagan qabashada xilka Duqa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Si kastaba Somaliland ayaa waxaa dhowaan ka dhacday doorasho taariikhi aheyd oo isugu jirtay tan golayaasha deegaanka iyo mida golaha wakiilada ee maamulkaasi.