SOOMAALIYA oo safaarad cusub ka furatay waddan gacan-saar la leh Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa safaarad cusub waxay ka furatay dalka Azerbaijan oo ka mid ah wadamada gacan-saarka la leh Turkiga, iyada oo warqada aqoosiga laga guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Azerbaijan.

Si loo xoojiyo xiriirka labada dal, waxaa safiirka Soomaaliya u fadhin doono Azerbaijan, Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed ka guddoomay warqadaha danjirenimo wasiirka arrimaha Dibadda dalkaasi Jeyhun Bayramov.

Jaamaca ayaa si gaar ah uga shaqeyn doono adkeynta xiriirka labada dowladood iyo inay yeeshaan iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaadayin isaga iyo danjire Jaamac ay ka wda-hadleen sidii loo ballaarin lahaa xiriirka labada dal, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

“Azerbaijan waxa ay xoogga saareysa xoojinta xiriirka Soomaaliya ee saaxiibtinamada ku dhisan, booska ay joogto way nagu taageertaa dabcan sidaas oo kale ayaan u nahay, waxa aan rajeynayaa in Danjiraha cusub uu sii wadi doono howlaha horyaalla” ayuu yiri Wasiirku

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe xooga saartay xoojinta siyaasadda arrimaha dibadda, iyada oo xiriir toos la yeelatay wadamo badan oo ku yaalla caalamka.