Waddani oo shaaciyey inay Somaliland burbur ku socoto

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si adag uga horyimid doorashadii shalay ay xubnaha komishanka Somaliland ay guddoomiye cusub ugu doorteen Cabdirashiid Riyo Raac.

Waddani oo hore uga horyimid Riyo Raac in uu ka mid noqdo komishanka, ayaa hadda doorashadiisa u arka mid sii dabar goynaysa Dimuquraadiyada iyo jiritaanka Somaliland.

Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaranimada Somaliland ay ku jirto khatar, isla markaana ay dadka iyo dalkuba u baahanyahay badbaado.

Barkhad Batuun ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in muranka komishanka ka taagan ay arrintu ka weyntahay, isagoona xisbiga Kulmiye ku eedeyay inuu god madow ku sii riday jiritaanka Somaliland, isla markaana uu burburkeeda ku howlan yahay.

“Xaaladda Somaliland ma marayso xisbiyoow maxaad qabtaaye, bahashanina Komishana ma taagna, Doorashana ma taagna, Dimuqraadiyadd ma taagna, xisbiyo ma taagna, waar jiritaankiii qaranimada Somaliland ayay jirideedii goynayaan kooxdan Kulmiye” ayuu yiri Afhayeen Barkhad Batuun.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaana masiirkii ummaddani 30-ka sano soo dhaqaysay ee intaa aan kuu sheegay lahaa ayaa khalkhal ku jira, markaa talao qaran iyo badbaado qaran ayay maanta taagan tahay”.