Wafdi ka socda Ciraaq oo maanta Muqdisho yimid

Muqidsho (Caasimada Online) Waxa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho booqasho ku yimid wafdi ka socda dalka Ciraaq.

Wafdiga waxa hoggaaminaya aggaasime guud ee wasaarada howlaha guud iyo dib u-dhiska dowladda Ciraaq Faadil Maxamed.

Wafdiga ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku sugaayeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Markii wafdiga diyaaradda ay ka soo deggeen ayaa waxaa saxafadda la hadlay Mr. Fadiil aggaasimaga guud ee dib u-dhiga dowladda Ciraaq, kaasoo sheegay in wafdiga uu hordhac u yahay wafdi heer wasiiro ah oo dhawaan immaan doona Muqdisho.

Wuxu kaloo sheegay in wafdigaas marka uu yimido ay heshiis dhowr dhinac ka kooban ay kala saxiixan doonaan dowladda Soomaaliya.

Fadiil ayaa sidoo kale tilmaamay in labada waddan ay soo ceshan doonaan xiriirkii ka dhexeeyay kaasoo burburay markii meesha ay ka baxday dowladii dhexe sannadkii 1991-dii.

Intaas kaddib waxa isna saxaafadda la hadlay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamuud Xersi Cabdulle oo sheegay imaatinka wafdigan ay muujineyso sida ay dowladda Ciraaq uga go’antahay siddii wax ugu qaban lahaayeen walalahood Soomaaliya iyagoo hadda lee dhibaato ka soo baxay.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxaa ku soo qulqulaya wafuud caalami ah oo ka socda waddamda caalamka kuwaasoo raba in ay calaaqaad la sameestaan dowladda Soomaaliya oo ah dowlad rasmi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho