Somaliland oo ka hadashay aqoosiga Maraykanka uu siiyay Somalia

Dubai (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay aqoonsiga dowladda Maraykanka ay siisay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Wasiir arrimaha dibedda Somaliland  Maxamed Cabdulaahi Cumar oo la hadlaayay BBC-da ayaa sheegay in aqoosiga la siiyay Dowladda Soomaaliya uusan wax ka badali doonin mowqifkooda ku aadan gooni isku taaga iyo ictiraaf raadinta in ay noqdaan dal madax-banaan.

Wuxuu kaloo sheegay in Somaliland aysan ka laaban doonin qorshaha ay ku dooneyso in ay ku noqoto dal madaxbanaan oo ka go’ay Soomaaliya.

“Aqoonsiga uu Maraykanka siiyay dowladda Soomaaliya waxbo nagama badaleyso go’aankeena ah in aan noqono dal madaxbanaan, waa mowqifka dadka reer Somaliland oo sidaas ku gaaray go’aan “ ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland.

Mar la waydiiyay sida ay u arkaan hadal ay sheegtay xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton oo ah in dowladda Maraykanka wixii hadda ka dambeeya ay Soomaaliya ula dhaqmi doonto sida dal madaxbanaan isla markaana aysan jiri doonin siyaasadii ahayd Dual Track Policy oo ah in dowladda Soomaaliya iyo maamulada jira lagula dhaqmo labo siyaasadood?

Wuxuu ku jubaabay “ Siyaasadaas waxa ay ahayd Qaacido ama Formala ah siddii kaalmada loogu qaybin lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, ee caalamka uu aqoonsan yahay dowladda Somaliland”

Wuxuu kaloo sheegay in dowladda Denmark ay dhaqaale si gooni ah u siiyay maamulka Somaliland sida uu hadalka u dhigay. 

Wuxuu kaloo sheegay in aysan ka xumayn aqoonsiga la siiyay dowladda Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in arrintaas ay gacan ka geesan doonto siddii loo yareen lahaa khataraha Somaliland uga immaanaya dalka Soomaaliya.

Si kastaba, maamulka la baxay Somaliland ayaa sannadkii 1991-dii waxa uu ku dhawaaqay iskiis gooni isku taag in uu Soomaaliya inteeda kale, wuxuuna tan iyo xilligaas u raadinaayay aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Dubai