Wafdi ka socda DF Soomaaliya iyo QM oo maanta tagay magaalada Xudur

Xuddur (Caasimada Online) – Magaalada Xuddur ee xarunta gobalka Bakool waxaa maanta oo Jimco ah tagay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wafdiga ayaa markii ay magaalada tageen waxay booqdeen goobo muhiim ah oo uu ku jirro Isbitaalka magaalada oo muddo badan burbursan.

Wafdiga waxay sheegeen in magaalada ay u yimaadeen siddii ay ugu kuurgali lahaayeen xaallada nolasha ee ka taagan Xuddur oo in ka badan labo bilood go’doonsan.

Waxay ballan qaadeen in ay si degdeg ah wax uga qaban doonaan dhibaatooyinka ka taagan Xudur.

Imaatinka wafdiga gaaray Xuddur ayaa ku soo beegmaya ayadoo gobalka Bakool ay ku wajahan tahay gargaarkii ugu horeeyay oo la gaarsiiyo magaalada gobalkaas.

Dhinaca kale, kolanyadii ugu horreeyay ee gargaar sida ayaa markii ugu horeeyay muddooyin bilooyin ah maanta gaaray degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Guddoomiyaha gobalka Bakool, Maxamed Cabdi Tall ayaa VOA-da u sheegay in gargaarkan loogu talagalay degmooyinka Xuddur iyo Waajid.

Wuxuu sheegay in gargaarkan ay u badan yihiin bariis iyo Sonkor waxaana loogu talagalay ayuu yiri dasdka rayidka ah ee ku nool gobalkaas.

Mar la weydiiyay wax yaabaha ku koobay gargaarka Waajid iyo Xuddur wuxuu sheegay in gargaarka hadda ay soo dirtay dowladda Soomaaliya ay ku kooban yihiin degmooyinkaas.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com