Wafdi ka socda Mareykanka oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa waxaa uu ku qaabilay Masuuliyiin Caalami ah oo ka socda Dowlada Mareykanka.

Wafdigan ayaa Kulan ka dhacay Garoonka Muqdisho waxaa si wadajir ah ay uwada qaateen Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Iyo Wildhish Sherman oo ah ku xigeenka kaaliyaha arimaha dibada Mareykanka oo arimo badan kawada hadlay.

kulankaasi kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlay kulankaasi.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wafdiga ka socda Dowladda Mareykanka ay kawada hadleen horumarada ka jira dalka Soomaaliya iyo sidii loosii ambaqaadi lahaa howlaha Dowladda cusub ee dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeexay in wafdiga maanta yimid Magaalada Muqdisho ee ka socday dalka Mareykanka ay noqonayaan wafdigii ugu horeeyay ee soo gaara Magaalada Muqdisho tan iyo markii lasoo dhisay Dowladda cusub ee dalka Soomaliya.

Wafdigan ayaa intaas kadib waxaa ay ka duuleen Magaalada Muqdisho.