25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Warbixin: Ujeedada wafti dalka Kenya ka socda ay u yimaadeen Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Wafdi xildhibaanno ah oo ka socda dalka Kenya ayaa maanta oo Jimco ah soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho u yimaadeen siddii ay iskaashi ula yeelan lahaayeen baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar.

Bilow Keerow oo ah ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka reer Kenya ee soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in muddo afar cisho ay sii joogi doonaan magaalada Muqdisho si iskaashi ballaaran uu u dhex mari lahaa labada baarlamaan.

Waa markii ugu horeysay oo wafdi xildhibaanno ah oo ka socda baarlamaanka Kenya uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Sidda qorshaha uu yahay wafdigan marka ay dhammeestaan booqashadooda waxa ay safaro kale ku tagi doonaan dalalka Ethiopia iyo Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News