Wafdi ka socda xaafiiska Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb iyo ujeedkooda

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa goor dhaw gaaray wafdi hordhac u ah booqasho la filayo in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku tago magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga gaaray Dhuusamareeb ayaa iskugu jira xubno ka tirsan shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo ilaalada gaarka u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ammaanka garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha iyo daafaha magaalada.

Waxaan wali si rasmi ah loo shaacin booqashada uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku tagayo Dhuusamareeb, waxayna ku soo aadeysaa iyadoo khilaaf badani uu ka taaganyahay aqbalaadda 20-kii xildhibaan ee dowladdu u qoondeysay Ahlu-Sunna.

Jadwal ay hore u shaaciyeen guddiga farsamada doorashada Galmudug ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo jadwal labaad oo ay dhowaan soo saareen uu u muuqdo mid aan ku hirgeli karin sidii loo qorsheeyay.

Waxaa jira weli cabasho ay muujinayaan qaar kamid ah beelaha Galmudug, taas oo ku aadan qaabka ay Ahlu-Sunna u soo xushay xubnihii laga siiyey baarlamaanka Galmudug.