Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda dalka Sweden ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, xilli ay kasii dareyso xaaladda abaareed ee dalka.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo madaxa cusub ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), Per Karlsson oo ay weheliso Marwo Cecelia ayaa maanta tegay Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC), halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macalin Cabdulle.
Xarunta NEOC oo lagu dhisay taageerada Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden ayaa haatan si buuxda u shaqeysa.
Xaruntan ayaa door muuqda ka qaadaneysaa xoojinta isku-duwidda gurmadka degdegga ah iyo maaraynta musiibooyinka dalka, taas oo astaan u ah sida ay dowladda Sweden uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada u adkeysiga bulshada iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah, si loo horumarinayo isku-duwidda heer qaran.
Sidoo kale waxaa la isla gartay in la dardargeliyo tallaabooyinka ku saleysan saadaasha hore (anticipatory action) iyo sare u qaadidda awoodda hawlgallada degdegga ah, si looga hortago saameynta musiibooyinka ka hor inta aysan sii faafin.
Wafdiga ka socday dowladda Sweden ayaa sidoo kale booqasho qiimeyn ah ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta, iyagoo ku ammaanay hay’adda sida ay ugu diyaargarowday ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan abaarta ka jirta dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo gurmadka iyo u-diyaargarowga musiibooyinka.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha SODMA ayaa si gaar ah u bogaadiyay garab istaagga dowladda Sweden ee la xiriira howlaha maareynta musiibooyinka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa hay’adda SODMA iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden.















