Wafdiga DF oo ka degay Dhuusmomareeb iyo amarkii Xaaf oo dhaqan geli waayey

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudug, inkasta oo uu diidanaa madaxweynaha maamulka Galmudug. Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Diyaaradda wafdiga siday ayaa garoonka ka degtay kadib markii laga saaray ciidamada uu soo diray madaxweyne Xaaf oo doonayey inay ka hortagaan imaanshaha wafdiga.

Goor sii horeysay war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlusuna.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sida la sheegay diiday amarka madaxweyne Geelle isaga oo ka codsaday in lala hadlo wafdiga xukuumadda Soomaaliya ee maanta tegey Dhuusamareeb, kaddibna wixii uu la yimaado laga qaato go’aan mideysan.

Illaalo katirsan kuwa madaxweynaha Galmudug oo tegey Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ayaa si ay u fuliyaan amarka madaxweyne Xaaf ayaa dib looga celiyey garoonkas diyaaradaha ee Dhuusamareeb.

Madaxda Galmudug ee ka soo gashay dhinaca Ahlu-Sunna ayaa dalbaday in Wafdiga xukuumadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha laga dhegeysto ujeedkooda kaddibna Ra’iisal wasaare Kheyre oo la filayo in uu tago Dhuusamareeb lala hadlo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com