Wafdiga Midowga Afrika oo xog ka bixiyey kulamadii ay ku yeesheen MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Masar u qaabilsan Itoobiya, isla-markaana horkacyey wafdiga ka socda golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika, Danjire Maxamed Cumar Gad ayaa faah faahin guud ka bixiyey kulamii ka dhacay Muqdisho.

Danjiraha iyo xubnii kale ee la socday oo booqashadooda maanta soo gaba-gabeeyey ayaa marka hore uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka, sida ay u soo dhoweeyeen.

Gad ayaa tilmaamay in inta ay ku sugnaayeen Muqdisho ay kulamo la qaateen madaxda ugu sarreysa dalka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya.

Sidoo kale guddiga nabadda iyo amniga ee AU-PSC uu marweliba daneynayaan in go’aan mid ah laga gaaro mustaqbalka AMISOM ee Soomaaliya, iyada oo loo marayo wada-hadal.

‘Waxaabn aaminsanahay inaan go’aan mideysan ka gaari doono mowqif guud iyo heshiis mustaqbalka AMISOM, kadib 2021-ka haddii aan wada-hadal iyo dood ka yeelano arrimaha howl-galka AMISOM,” ayuu yiri Danjiraha Masar ee Itoobiya Dr. Maxamed Cumar Gad.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Midowga Afrika uu dadaal iyo taageero la garab taagan yahay Soomaaliya, si ay uga gudubta xaaladda kala guurka ah ee ay ku jirto.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo dhankeeda dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya ay dabcisay mowqifkeeda ku aadan qaab dhismeedka howl-galka AMISOM ee dalka, waxayna xustay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-xaajoodka Ururka Midowga Afrika