Wafdiga Somaliland ee ku sugan Nairobi la kulmay Raila Odinga + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) ― Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta kulan uu ku dhex maray Siyaasiga caanka ah ee Raila Odinga iyo Wafdi ka socday Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiintan ka socday Somaliland oo kala ahaa Wasiir Maxamed Kaahin iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu ku wehlinayey wakiilka Somaliland ee Kenya Amb. Baashe Cawil ayaa waxay kulan kula yeeshen Raila Odinga xafiiskiisa ku yaal Capital Hill Square ee magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa waxaa lagaga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo sidii ay iskaga kaashan laahayen arrimaha ganacsiga iyo isku socodka bulsho ee Somaliland iyo Kenya.

Wafdigan ka socda Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa waxay kulamo kala duwan la yeelanayeen dhinacyo badan oo ku sugan Nairobi.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxay kulan aan hore loo shaacin la qaaten Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo isaguna ku sugan magaalada Nairobi, kuwaasi oo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin caqabadaha xiligan hortaagan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo aan weli dib u furmin muddo ka badan labo sano.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com