Maxay ka wada hadleen CC Shakuur iyo mas’uuliyiinta Somaliland ee kulmay?

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan uu ku dhex maray Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo xubno ka tirsan maamulka Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi.

Kulankaasi oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa la sheegay inuu ahaa mid looga hadlayay arimo dhowr ah.

Waxaa kulanka kasoo muuqday wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, hogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Kulankaasi ayaa waxaa si aad ah looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen caqabadaha xilligaan hortaagan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aan qabsoomin tan iyo markii Soomaaliya loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Masuuliyiinta ka socotay dhanka Maamulka Somaliland ayaa si cad u sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ku eedeeyeen dhanka dowladda Soomaaliya inay wax walbaa ka socon la’yihiin.

Ma jirin wax wadahadal ah oo dhex maray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland muddo ka badan labo sano, waxaana muuqata inuusan isku soo dhawaansho labada dhinac ah.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya Nairobi ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya dhinaca kala duwan ee Somaliland oo arrimo dhowr ah isku haya, gaar ahaan xisbiyada kala duwan ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com