Wafuud ka socota IGAD oo timid Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ka socda Urur Goboleedka IGAD, kaas oo uu horkacayo xoghayaha fulinta ee ururka, Dr ; Workna Gebeho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, waxaana kadib loo galbiyey madaxtooyada.

Xubnaha ka socda IGAD ayaa kulan hordhac ah la qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane xamuud Cabdi Xasan Bekos, waxaynka wada-hadleen xaaladda dalka.

Sidoo kale waxay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxayna ka wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

Workna Gebeho iyo wafdigiisa oo sii joogaya Muqdisho ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo mas’uuliyiin kale.

Waxa ay sidoo kale is arki doonaan xubnaha wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho, si ay ula yeeshaan wada-hadallo ku aadan arrimaha taagan.

Imaanshaha Soomaaliya wafdigani ka socda IGADA ayaa ku soo aadaya, xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashooyinka billowday ee Golaha Shacabka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ee ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo dowladda dhexe.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii