Ciidamo badan oo lagu soo daadiyey jidadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogleh, kadib markii askar fara badan lagu soo daadiyey waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.

Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa ujeedka ciidamadan milatariga ah loogu soo daadiyey gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo lagu arkay meelo badan oo ay ka mid tahay wadada dheer ee Makka Al-Mukarrama.

Dadka qaar ayaa hadal haya in dhaq-dhaqaaqayda ay bilaabeen ciidamadan ay salka ku heyso xaaladaha siyaasadeed ee kasoo kordhay dalka, walow aysan arrintaas ka hadlin dowladda.

Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa dhinaca kale sheegaya in ujeedka ciidamadan loogu soo daadiyey waddada dheer ee KM4 ay tahay in halkaas uu booqanayo madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo warramayo inuu xariga ka jarayo dib u dayactir lagu sameeyay xarunta wasaaradda beeraha, sidaas daraadeedna ciidanka loo geeyey halkaas inay xaqiijiyaan anmniga madaxweynaha, ayna xiraan waddadaasi.

Sidoo kale dadka shacabka ah ee deggan magaalada Muqdisho ayaa aad u hadal haya dhaq-dhaqaaq ciidan ee ay maanta dareemeen, waxaana baraha bulshada lagu baahiyey sawirro laga soo qaaday ciidamadaasi oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo weli ay cakiran tahay doorashada Soomaaliya, waxaana xaaladda ay kasii dartay markii uu Rooble kala diray guddiga xallinta khilaafaadka.

Si kastaba, lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, waxaana haatan Soomaaliya ay ku jirtaa xaalad adag oo kala guur ah, isla-markaana ka dhalatay muranka doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii