Midowga musharaxiinta oo war kasoo saaray shirka uu cilaamiyey R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa si weyn u soo dhoweeyey qabashada shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee 27-ka bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho, isla-markaana uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble.

Musharixiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday inay boggaadinayaan dagaalka ra’iisul wasaaraha ee ku aadan xal u helista muranka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya.

“Goluhu wuxuu boggaadinayaa dadaalka uu ra’iisul wasaaraha ugu jiro sixitaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnaha musharixiinta.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay inay rajo weyn ka qabaan in si wadajir ah looga gubdo caqabadaha ku geedaaman doorashooyinka dalka.

“Goluhu wuxuu rajaneynayaa in si wadajir ah looga gudbo caqabadaha ku horgudban inay dalka ka qabsoomto doorasho hunfnaan iyo daah furnaan leh,” ayaa la sii raaciyey.

Qoraalkan ayaa waxaa ka horreeyey mid kale oo ay maanta soo saartay Beesha Caalamka, kaas oo isna lagu taageeray shirka ay leeyihiin xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaran.

Saaxibada Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay xal rasmi ah ka gaaraan khilaafka doorashada, si ay u noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli loo baahnaa, isla-markaana ay cabasho ka timid qaabka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii