Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo gaaray magaalada Kismaayo, ayaa halkaasi kula kulmay Labada Gole ee maamulka Jubbaland.
Michael Keating ayaa waxaa kulanka ku wehlinaayay Wakiilada Talyaaniga, Midowga Yurub, Danjire ku-xigeenka Ethiopia iyo IGAD.
Kulanka Beesha Caalamka iyo labada Gole ee maamulka ayaa ka dhacay aqalka martida Kismaayo, waxa uuna ahaa kulanka mid lagu xoojinaayay arrimaha doorashada iyo hanaanka awood qeybsiga Baarlamaanka cusub ee imaan doona.
Mr. Michael Keating oo ugu miisaan cuslaa kulanka, ayaa sheegay in uu aad ula dhacsan yahay qaabka ay u socto howsha maamulka waxa uuna cadeeyay in Jubbaland looga baahan yahay inay ka Siyaasad duwanaato maamulada kale ee dalka bacdamaa ay aad ugu dhow dahay Dowlada.
Waxa uu sheegay in ujeedka magacaabidiisa ay tahay in Somalia uu kusoo dabaalo nabad inta karaankiisa ah, waxa uuna labada Gole is barasho kadib u sheegay in Somalia ay u baahan tahay Siyaasada Gobolada oo laga dhaqan galiyo magaalada Muqdisho.
Michael Keating oo ku hadlaayay afka Beesha Caalamka ayaa tilmaamay in Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka ay ahmiyad gaar u leedahay nabada iyo xasiloonida Kismaayo, sidaa aawgeedna Jubbaland looga baahan yahay inay dhaqangaliso ama ay qaadato nidaamka 4.5 oo aysan la imaan diidmo iyo ka meer-meerid.
Wuxuu intaa ku daray in labada Gole ee maamulka looga baahan yahay inay la shaqeeyan Dowlada oo aysan ku adkeysan kaliya amarada ay ka qaadanayaan maamulka oo kaliya.
Michael Keating waxa uu sheegay inuu aad ugu farxay markii uu arkay in madaxda Somalia ay meel wada fadhiistaan oo ay ka tashadaan arrimahooda, waxa uuna labada Gole ka hor cadeeyay in Beesha Caalamka ay faragalin sameyso goortii laga biyo diido xalka Somalia misna ay dhabar adeeg muujiyaan dhinacyada is horfadhiya.
”Aniga oo ku hadlaaya afka wakiilada Beesha Caalamka waxa halkaani ka cadeynayaa in Beesha Caalamku aysan wadin faragalin, waxaan dooneynaa in Somalia ay wax wada qeybsadaan oo ay wadatashtaan. waxaan Jubbaland u sheegayaa in muhiim ay tahay inay qaadato natiijada shirka wadatashiga”
”Waan la socdaa in shirka wadatashiga uu ku dhamaaday Fashil sida uu horayba u sheegay Axmed Madoobe, balse Beesha Caalamka oo dhibaato badan ka carareysa waxa ay go’aansatay inay la imaado mowqif ay ku dhex dhexaadineyso Dowlada iyo maamulada dalka, ma jirto wax ka wanaagsan go’aanka aan idiin doornay waxaan aaminsanahay in dhinacyada dhan ay kuwada qanacsan yihiin”
Waxa uu sheegey in Kismaayo uu u yimid muhiimadda ay leedahay darteed, “Ula jeed cad oo ku talogal ah ayaan halkan u imid, waxayna tahay muhiimadda ay leedahay Kismaayo iyo Jubbaland” ayuu yiri.
Sidoo kale,waxuu aammaanay madaxweynaha Jubbaland oo u marka ku sheegay hoggaamiye Soomaaliyeed.
“Axmed Maxamed Islaam ma ahan oo kaliya madaxweynaha Jubbaland, ee sidoo kale waa hoggaamiye Soomaaliyeed”.ayuu yiri Michael Keating oo ah wakiilka QM ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, Michael Keating iyo wakiilada kale ee kulanka ku sugnaa ayaa si dadban iyo muuqataba labada Gole ugu sheegay inay ku qasban yihiin inay qaatan natiijada shirka ee 4.5, waxa ayna rajo ka muujiyeen doorashada soo socta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]