Wakiilada Beesha Caalamka oo qodob muhiim ah maanta kala hadlay Rooble + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, oo dhawaan loo igmaday ra’iisal wasaare Rooble.

Rooble iyo Saaxiibada beesha caalamka ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada-hadlay u diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ra’iisal wasaaraha iclaamiyay inuu magaalada Muqdisho ka furmayo 20-ka bisha May ee 2021-ka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa markale taageero balaadhan u muujiyey ra’iisal wasaaraha oo la wareegay arrimaha doorashada iyo amnigeeda, iyagoona balan qaaday garab-siinta geeddi socodka doorashooyin dalka.

Waxaa ra’iisal wasaaraha ku wehlinayay kulanka Wakiillada Beesha Caalamka xubno ka tirsan xukuumadiisa xil-gaarsiinta.

Ma aha markii u horeysay ee ra’iisal wasaaraha kulan la qaato Wakiillada Beesha Caalamka tan iyo markii lagu wareejiyay doorashada, hase yeeshe waxa uu kulankaan kusoo aadaya xili ay hal maalin inaga xigto qabsoomida shir-weynaha doorashada ee uu hore u iclaamiyay.