Rooble oo qaaday tallaabo la xiriirta dilka askarigii ciidanka Badbaado Qaran ka tirsanaa

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban Wasiiro iyo Saraakiil Amni u magacaabay baarista dil dhowaan loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Badbaado Qaran, guddigaas oo isla maanta la kulmay eheladda marxuumka.

Guddiga loo xilsaaray barista kiiskan waxa ka mid ah wasiirka Amniga Xasan Xundubeey, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Xirsi Aadan iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole.

Mas’uuliyiintan ayaa si degan u dhageystay cabashada ehellada marxuum Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe, iyagoo ehelada ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Islaam-nimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan.

Wahadal dheer, is dhageysi iyo is qancin kadib waxaa Warbaahinta la hadlay Cabdulaahi Khaliif Cali oo kamid ah Waxgaradka Marxuumka iyo Saalax Sheikh Maxamed Ciroobe oo ah Marxuumka adeerkiis, waxa ayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno cidii wiilkoodii sida arxanka daran u dilay isaga oo xiran tuutihii uu Qarankiisa ugu adeegayey.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Al-Cadaalada ayaa u tacsiyeeyay eheladda waxaa ayna ka marag kaceen in arintan ay ceeb ku tahay Qaranimadda marka laga yimaado tiiraanyada qoyska sidaas daraadeedna ay waajib qaran tahay in la helo kuwii ka danbeeyay.

Meydka Maxamed Muqtaar Maxamed Deeqow oo ka mid ahaa askartii ciidamada dowladda ee ku biiray ciidanka bad-baado qaran ee kasoo horjeeday muddo kororsiga ayaa Axaddii laga helay agagaarka Iskuul Buluusiya ee Muqdisho.

Marxuumka oo si arxan darro ah loo dilay ayaa waxaa meydkiisa lasoo dhigay, isaga oo xiran dharka ciidanka god qashin ah oo ku yaalla agagaarka Iskuul Buluusiya.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muqtaar (Maxamed Deeqow) ayaa sheegay inay waayeen wiilkooda, kadibna loo soo sheegay in meydkiisa uu yaallo nawaaxiga xerada Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Deeqow ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida, gaar ahaan Unuga Duufaan, waxaana wararka ay sheegayaa in dhawaan looga yeeray taliska hay’adda NISA, si uu dib ugu laabto shaqadiisa, maadaama xal laga gaaray xiisadii ka taagneyd Muqdisho.

Dilka qarsoodiga ah ee loo geystay Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe ayaa ciidamadii ka tirsanaa Badbaado Qaran ku abuurtay cabsi weyn kadib markii ay soo baxday shaki ku aadan in si gaar gaar ah loo ugaarsan doono saraakiishii ka tirsanaa ciidamadas.

Ciidankaan Badbaado Qaran oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in uu billowday beegsiga ragii mucaaradka u dagaalamay iyo kala shaki weyn, taasoo keeni karta uu jabo heshiiskii Rooble iyo Mucaaradka.

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa Axaddii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday in uu baaro dadkii ka dambeeyay dilka Askariga maadaama uu qaatay masuuliyadda amniga dalka.

Muuse Suudi waxa uu sheegay in Rooble uu mas’uul ka yahay dhib kasta oo gaara ciidanka mucaaradka, maadaama isaga uu heshiis la galay.