Farmaajo oo qoray faallo uu isku difaacay kuna weeraray mucaaradka, Jubaland iyo P/L

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa faallo uu ku qoray wargeyska Foreign Policy isaga difaacay eedaha loo jeediyo ee la xiriira xukun jaceylka, isaga oo sidoo kalena weerar ku qaaday mucaaradka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.

“Doorashooyinka Soomaaliya dib uguma dhicin sababo la xiriira inaan doonayo inaan xukunka ku dhegenaado, sida dadka qaar ay si been ah ugu doodaan, balse waxaa dib u dhigay is-mari waa siyaasadeed oo keenay inay kala qeybsamaan dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah oo ku aadan, habka horey loogu dhaqaaqi karo,” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu sheegay in xudunta khilaafka ay tahay in dowladdiisa ay dooneyso doorasho toos oo qof iyo cod ah iyo kuwa “doonaya doorasho aan toos aheyn oo awoodda siisa siyaasiyiinta una diida shacabka caadiga ah codkooda.”

“Waxaa la gaaray xilligii ay beesha caalamka is-weydiin laheyd: Maxay shacabka Soomaaliyeed ay afar sano oo kasta ay mar la-haystayaal ugu noqdaan odayaal qabaa’il oo kooban iyo madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa sheegay in bishii June 2018 ay dowladdiisa iyo maamul goboleedyada isku raaceen doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee taasi ay dhici weysay kadib markii dhammaan shanta dowlad goboleed ay ka baxeen heshiiska, ayaga oo kasoo horjeeda in awoodda la siiyo shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaas ku daray in isaga oo aad uga niyad jabsan taas, dib loo galay wada-xaajood, islamarkaana la isku raacay hanaan doorasho oo aan toos aheyn 17-kii September 2020, taasi oo uu aqbalay. 

“Hanaankan wuxuu burburay waxyar un kadib markii hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland ay bishii November 2020 kasoo laabteen safarro ay ku kala tageen Imaaraadka Carabta iyo Kenya – oo ah laba dal oo Soomaaliya aysan xiriir xooggan la lehyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sheegay in is-mari waa dheer kadib baarlamanka uu meel mariyey sharci ah in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto laba sano gudahood, taasi oo isaga uu saxiixay.

Hase yeeshee, buu yiri, taasi waxaa ka dhalatay carro xooggan oo ay sameeyeen mucaaradka iyo xubno ka mid ah beesha caalamka, taasi oo mar kale dowladdiisa ku qasabtay inay tanaasusho, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ku eedeeyey mucaaradka inay huriyeen rabshadihii ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay go’aanka baarlamanka. Wuxuu rabshadahaas ku qeexay fursad ay ka faa’iideysanayeen kuwa huriyey. 

Waxa uu ugu dambeyn sheegay in mar kale bishan la isku dayi doono in la isku raaco heshiis lagu fuliyo hanaan doorasho oo aan toos aheyn, ayada oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayna xaqiijin doonaan inuu noqdo hanaan loo dhan yahay oo doorasho ku hoggaamiya fursadda ugu horreysa uguna macquulsan.