Mowqifka Jubaland ee shirka 20-ka May ee Muqdisho

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirka wada-tashiga doorashada ee la filayo in maalinta Khamiista uu ka furmo magaalada Muqdisho. 

Jubbaland ayaa soo dhaweysay shirkaas oo uu hore u iclaamiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, si xal looga gaaro khilaafka soo noq-noqday ee hanaanka doorashada dalka.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland, Xersi Jaamac Gaani ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay waxyaabah kasoo bixi doona shirkaas oo uu si weyn usoo dhaweeyay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in ra’iisal wasaare Rooble looga baahan yahay inuu cadeeyo in umadda Soomaaliyeed uu dhex u yahay, islamarkaana uu ka madax-banaan yahay dhinacyada iska soo horjeeda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay dadaal badan gelin doonaan sidii Soomaaliya wadada saxda ah ugu soo noqon laheyd, una qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Jubbaland ayaa kamid ah maamulada sida adag uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, hase yeeshe xiligan taageero balaadhan u muujinaya ra’iisal wasaaraha oo loo igmaday arrimaha doorashooyinka.

Madaxda Jubbaland ayaa kal hore soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Rooble oo qabsoomaya maalinta Khamiista ee toddobaadkan, waxayna u badan tahay in is-faham guud laga gaaro qoddobadii hore loogu kala dhaqaaqay.