Rag qorsheynayey inay is-miidaamiyaan oo la laayey

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in caawa uu ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen ilaa seddax qof oo la socotay mooto Bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxaas uu ka dhacay dhabarka dembe ee Hotel Ambas oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Sida aan xogta ku heleyno qaraxa ayaa dhacay xilli ay mootadu mareysay wado aad u cariiri ah oo marta dhabarka dambe ee hotelkan, waxaana war ka soo baxay Afhayeenka booliska Soomaaliya lagu sheegay in qaraxa ay wateen ragga ku dhintay ee saarnaa mootada.

“3 naftood-halige, oo qaraxsiday ayaa qorsheeynayay inay is qarxiyaan, ayeey ka hortageen Ciidanka Boliiska Magaalada Gaalkacyo, Xaafada Wadajir agagaarka Hotel AMBAS dhanka Galmudug. Argagaixisada oo dhamaan goobta lagu dilay,” ayuu ku yiri qoraalkaan uu soo saaray Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Hey’adaha ammaanka koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in qof kale aysan waxyeello ka soo gaarin qaraxaas, isla markaana la aaminsan yahay in nooca qaraxaas uu ahaa jaakado qarxa oo ay wateen ragga ku dhintay ee saarnaa mooto Bajaajta.