28.8 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Puntland oo ku dhawaaqday dagaal cusub oo xeebaheeda – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah kalluumaysiga sharci-darrada ah ee xeebaha maamulka.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa shaaca ka qaadday in ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ka dhan ah Soomaalida iyo ajaaniibta ku lugta leh kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay maanta ayaa lagu faah-faahiyay qorshe cusub oo lagu xoojinayo la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU), kaas oo dhibaato weyn ku haya khayraadka badda iyo nolosha bulshada ku tiirsan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in la kordhinayo howlaha kormeerka iyo ilaalinta xeebaha, si loo yareeyo falalka sharci-darrada ah ee si joogto ah uga dhaca biyaha Puntland, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay deegaanka badda.

Sidoo kale, waxaa la adkeynayaa nidaamka bixinta ruqsadaha kalluumaysiga, iyadoo la hubinayo in dhammaan maraakiibta iyo doonyaha ka shaqeeya xeebaha Puntland ay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka u degsan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in cid kasta oo lagu helo ku xad-gudubka sharciga lala tiigsan doono tallaabooyin adag, oo isugu jira ganaaxyo lacageed, laalidda ruqsadaha iyo xitaa in lala wareego qalabka iyo kalluunka si sharci-darro ah lagu soo qabtay.

Waxaa kale oo la tilmaamay in tallaabooyinkaas ay qeyb ka yihiin dadaal ballaaran oo lagu ilaalinayo khayraadka badda, laguna xaqiijinayo waaritaanka dhaqaalaha buluugga ah ee Puntland.

Hoggaanka Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa carrabka ku adkeeyay in aan marnaba loo dulqaadan doonin cid kasta oo wax u dhimaysa khayraadka dabiiciga ah, isla markaana waxyeello u geysanaysa nolol-maalmeedka kalluumaysatada maxalliga ah.

Dhanka kale, Puntland ayaa si cad u muujisay inay soo dhoweynayso maalgashi sharci ah oo lagu sameeyo waaxda kalluumaysiga, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta kalluumaysiga waara iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.

Wasaaraddu waxay si gaar ah u dhiirrigelisay maalgashiga la xiriira kalluun-beerista (aquaculture), horumarinta kaydinta qabow (cold chain), iyo suuq-geynta kalluunka, si kor loogu qaado qiimaha iyo tayada wax-soo-saarka.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa ugu baaqday ganacsatada gudaha iyo kuwa caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadaha jira, iyadoo la xaqiijinayo jawi maalgashi oo hufan, isla markaana ilaalinaya khayraadka badda jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka.

- Advertisement -

Read more

Local News