Sheekh Shariif war kasoo saaray shirka 20-ka May iyo kalsoonida uu ku qabo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu rajo uga muujiyey in shirweynaha loo balansan yahay 20-ka bishan uu noqdo mid mira dhala, waa hadii uu noqdo mid loo dhanyahay, sida uu u dhigay qoraalkiisa.

Sheekh Shariif oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebookga ayaa yiri, “Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada.”

Sidoo kale madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in kalsooni heerkeedu sareeyo uu ku qabo in dadaalada socda ay yihiin kuwo xal loogu heli karo khilaafka doorashooyinka dalka. Isagoo soo jeediyey in fursad la siiyo ra’iisul wasaaraha.

“Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu Sheekh Shariif qoraalkiisa ku yiri.