25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wakiilada BRITAIN oo weeraray madaxda DFS !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Safiirka Britain ee Somalia Andrew Alen oo ka hadlaayay arrimaha Somalia ayaa sheegay in Dowladiisu ay rajo xumi ka muujineyso xaalada Somalia.

Andrew Alen, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in madaxda Soomaalidu aysan u hogaansami karin Dowlada waxa uuna tilmaamay in mudada uu joogo Somalia ay soo martay xaalado kala duwan oo muujinaaya sii kala fogaanshaha Soomaalida.

Andrew Alen waxa uu tilmaamay in Somalia ay ka jirto Dowlad aan gaarsiisneyn heerkii loogu tallo galay balse ay uga sii darantahay awood sheegashada ay muujinayaan kuwa isku uruursanaayo Gobolada ee isku magacaaba maamul Goboleedyada.

Waxa uu sheegay in Beesha Caalamku ay Somalia la dooneyso inay ka sara marto halka iminka ay taagan tahay balse Madaxdu ay yihiin kuwo aan isku kalsooneyn misna aan is jecleyn mudada ay xilalka u hayaan shacabka.

”Britain ma hakin doonto garabsiinta Somalia, balse waxaan halkaani ka cadeynayaa in madaxda Soomaalida ay yihiin kuwo aan u nugleyn horumarka. waayo iyaga ayaa ah kuwo isku mashquulsan kuna dhiiranaaya is xulafeysi”

”Caalamku wey ku adagtahay in Somalia mudo intaa kasii badan garab siiyaan, waayo Somalia dhaqaale ayay soo saaran kartaa hadana ma jirto wado noo muujinkarta in lagu soo saari karo kheyraadka si Soomaalidu ay uga faa’iideystaan”

Andrew Alen waxa uu ku celceliyay in Somalia hadii ay sidaani kusii socto ay lumin doonto kalsoonida Beesha Caalamka, waxa uuna tilmaamay in musuqa uu sii horseedayo dib u dhaca iminka heysta Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Mr Andrew Alen ku baaqay in laga faa’iideysto fursada Beesha Caalamka iyo Kheyraadka ku jira dhulka Somalia oo aan jirin cid sida la rabo uga faa’iideysata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News