Keating oo Muqdisho gaaray iyo NICK KAY oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxa amaanta soo gaaray wakiilka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona xoghayaha guud ee Qaramada Midobay isaga la waregaya xafiiska uu baneeyay Nickolas Kay.

Magaalada Muqdisho waxaa wafdiga uu hogaaminayay kusoo dhaweeyay madaxda ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana kadib uu la kulmay wasiiro uu kamid yahay wasiirada arimaha dibada xukuumada Soomaaliya.

Mar uu la hadlayay saxaafada ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqada cusub uu Soomaaliya ka bilaabay xili uu hore uga soo shaqeeyay dalal sida Soomaaliya colaado ay ka jiraan.

Dhanka kale imaanshiyaha Michael keating waxa ku soo adeysa xili xiisad siyaasadeed ay ka dhex aloonsan Dowlada iyo Maamul Goboleedyada kuwaasoo shirkii ugu danbeeyay ku kala dareeray markii ay is fahmi waayeen madaama dhinac kasta dan gaara uu leeyahay.

Wuxuu la wareegayaa xafiiska uu baneeyay wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Nickolas Kay oo galaangal badan ku lahaa siyaasada cakiran ee haatan ka taagan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com