Walaac xoogan oo ka taagan Somaliland kadib tallaabo uu qaaday maamulka Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Walaaca xoriyutal qowlka Somaliland ayaa kasii daraya kadib markii ay Xarunta Xuquuqal Iinsaan oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ay shaacisay in sanadkii dhamaaday ee 2021-ka uu ahaa sanadkii dadkii ugu badnaa lagu xiray Somaliland.

Dadka sanadka galbaday lagu xiray Somaliland ayaa isugu jira Suxufiyeen, Suugaan-yahano iyo dad kale oo shacab, sida lagu shaaciyey warbixin kasoo baxday xarunta HRC.

HRC ayaa shaacisay in dad kor u dhaafaya 114 qof ay xukuumadda Somaliland xirtay sanadkii tagay, oo dhamaantood sifo aan sharci aheyn oo dastuurka khilaafsan loo xiray, kuwaasi oo qeyb ka ah xaalado soo noq-noqday oo ah tacadiyo Xuquuqal Insaan.

“Cabudhinta aragtiyaha, xadhigga warbaahinta madaxa bannaan iyo xadhigyo tiro badan oo sharci-darro ah ayaa waxay caadi iyo caado ka noqdeen Somaliland gudaheeda,” ayaa lagu yiri qoraalka xarunta HRC.

Sanad walba xaruntu waxa ay soo bandhigta tacadiyo iyo gefaf xuquuqal insaan oo la xiriira arrimo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay diiwaan galiso inta u dhaxaysa bilaha January illaa December.

Xaruntu waxay walaac xoogan ka muujisay in sanadkan 2021 uu noqday sanadkii ugu xariga badnaa marka la barbar dhigo sanadihi hore xarigyadii ay xaruntu diiwaan galisay.

“Dadka dhammaan tood waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen ama ay warbaahinta la wadaageen. Arrintaas oo runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland.”

Ugu dambeyntiina xaruntu waxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi u soo jeedinaysay arrimahan hoos ku xusan;

  1. In la joojiyo xadhiga lagula kaco warbaahinta madaxa-banaan, siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyahooda cabira ee dowladda dhaliila.
  2. In la ixtiraamo xuquuqaha uu dastuurku damaanad qaadayo ee la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada.
  3. In booliska dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifaha siyaasadaysan ee marar badan loo adeegsado.
  4. Sidoo kale in la helo cid ka garnaqda khaladaadka iyo tacadiga booliska marar badan u gaysto bulshada.
  5. In la dhowro xuquuqda maxaabiista saldhigyada ku xidhan lana daryeelo.
  6. In ay dowladu hoos eegto lana socoto xaaladda ay ku sugan yihiin dad ka dalka gudihiisa ku barakacay.
  7. Ugu danbayna xaruntu waxay soo jeedinaysa in xeer lagu xakameeyo loo helo tacadiyada haweenka ka dhan ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii