Walaaca doorashada iyo welwelka dagaal sokeeye

Doodda iyo muranka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka Madaxtooyada & Baarlamaanku waxa ay soo billowdeen June- 27- 2020 kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka oo xil-hantiisu ku egtahay 6-July-2021 ay Baarlamaanka ka hor sheegtay in aan doorasho qof iyo cod ah xilligeeda ku dhici karin, waxa xigay isku day iyo dadaal madaxtooyada ka socday oo awood badan  lagu siinayay Baarlamaanka si xildhibaannada xilligoodu idlaaday go’aan uga gaaraan nuuca doorasho ee dhici karta.

Taxanaha shirar  ka billowday Dhuusamareeb kuna dhammaaday Muqdisho oo watay mowjado siyaaseed iyo isbedel waalli ah kaddib waxa ay howshu isugu biyo-shubatay in dalka ay kadhacdo doorasho dadban oo aan wax badan uga duwanayn doorashadii 2016.

Madaxweyne Farmaajo oo Walaahow siyaasadeed ka qaba in dowlad-goboleedyada Puntland & Jubbaland oo uu ku metelo xeerka awood qaybsiga dalka ee 4.5  aysan kasoo bixi doonin xildhibaano taageersan ayaa ku adkeystay in la kordhiyo deegaan doorashada oo halkii ay ka ahayd 2016 hal deegaan doorasho laga dhigo laba goobood maamul walba, ololeeyeyaasha iyo dadka lafagura doorashooyinku waxa ay qabaan in ujeeddada madaxweynaha ee kordhinta deegaan doorashadu ay tahay  xildhibaannada gobolka Gedo oo uu isagu ka soo jeedo.

Guddiga doorashada Federaalka ah oo horay ay dhaqan u ahayd inuu ka kala yimaado xafiisyada waaweyn ee dowladda iyo bulshada rayidka ah ayuu madaxweynuhu soo magacaabay dhallinyaro katirsan Nabad sugidda iyo shaqaale rayid ah kawaas oo caan ku ah taageerada madaxweynaha ee baraha bulshada, sidaas waxaa sheegay musharixiinta iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka, diidmo adag oo midowga musharxiinta iyo Bulshada rayidku kala horyimideen guddiga ay xukuumaddu magacowday iyo qorshaha  villa Soomaaliya ee dib u doorashada madaxweyne Farmaajo ayaa abuuray xaalad cakiran! iyada oo hoggaanka Bulshada rayidku ka digay  suurtagalnimada in uu qarxo dagaal sokeeye oo kadhasha doorashada oo la boobo ama ku qabsoomi weysa xilligeeda.

Isjiid-jiidka iyo xasilooni la’aanta siyaasadeed ee kadhashay hirgelinta heshiiska iyo habraacyada doorashooyinka oo loo arko in xukuumadda dhexe ay sabab u tahay waxa ay horseedeen siyaasad kacsan iyo qalalaase gaaray dowlad-goboleedyada, kuwaas oo meel Xun dhigay kalsoonida iyo wadashaqeynta labada heer ee dowladda.

  1. Jubaland, dagaal qabiil oo loo ekeysiiyay qaddiyad waddani ah:

Jubaland waxa ay ka kooban tahay gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, madaxweynaha DG Jubbaland waxa uu aamisan yahay in xiisadda ka taagan gobolka Gedo ay sabab u tahay madaxtooyada Soomaaliya oo ciidan aan ka tala-qaadan Jubbaland u gacan gelisay Garbahaareey, Jubbaland waxa ay ka walaacsan tahay cidda maamuleysa kuraasta golaha shacabka ee doorashadooda lagu qabanayo magaalada Garbahaarreey.

Horraantii bishii March-2020 ayaa xukuumadda dhexe waxa ay ciidamo heer Federaal u dirtay  gobolka Gedo, iyada oo ciidanka xukuumaddu geysay gobolka iyo ciidanka DG Jubbaland ku dagaalay gacan-kuhaynta Gedo hayeeshee ciidanka Federaalka ayaa xoog kula wareegay Gedo marka laga reebo dhulka uu xukumo ciidanka ay Al-shabaab hora

Sida ay xaqiijiyeen madam katirsan Villa Somalia Go’aannada la xiriira arrimaha Jubaland waxaa si toos ah u qaata madaxweyne Farmaajo mana jirto cid kale oo ka mid ah nidaamka dowladda oo howshaan talo ido tusaale ku leh, xaqiiqadaasina waxa ay soo if baxday kaddib markii ra’iisulwasarihii la eryay ee Baarlamaanku kala noqday Kalsoonida  Xasan Kheyre uu isku deyey in uu dhexdhexaadiyo MW Farmaajo iyo Madoobe.

gobolka Gedo oo dhaca xuduud-beenaadka Soomaaliya la wadaagto  dowladaha Ethiopia iyo Kenya ayay suuragal tahay in mar kale dagaal ka qarxo! maadaama ay joogaan gobolka ciidamo Ethiopia leedahay oo aan katirsanayn howlagalqka midowga Afrika ee AMISOM, ciidamadaas Itoobiya ayaa  taagraya dagaalka kadhanka ah DG Jubbaland oo lagu eedeeyo in MW Farmaajo qorsheeyey iyo Kenya oo taagerysa madaxweynaha DG Jubalanad iyada oo dadka ka faallooda Nabadgelyada gobolku ay qaba in awoodahaasi shisheeye ay saameyn xun ku yeelan karaa xasiloonida gobolka.

Siyaasad ahaan Jubalanad waxay shuruud adag ku xirtay magacaabidda xubnaha guddiga doorsshada heer Dowlad Goboleed oo ay kamid tahay in ciidamada dowladda Federaalka ah ka jooga gobolka Gedo laga qaado isla markaana gacan ku heynta gobolka dib loogu celiyo Jubaland.

Puntland… Amniga iyo siyaasadda oo is dhexgalay.

03-Nove-2020 Baarlamaanka DG Puntland ayaa si aqlibayad leh isugu raacay in xasaanadda xildhibaanimo laga xayuubiyo  shaqadana laga eryo 8 xildhibaan oo loo heysto eed la xiriirtaa maleegidda fowdo iyo rabsho kadhacday Baarlamaanka-goboleedka Tallaabadaan oo ah mid ugub ah ayaa la aaminsan yahay in ay xiriir la leedahay isku day masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ay xiriir kula sameeyeen xildhibaannadan iyada oo sida ay qabaan saraakiil katirsna Punland ay ujeedadu ahayd diyaarinta koox siyaasadeed oo taageersan MW Farmaajo isla markaana cadaadis saarta maamulka Punland oo si xooggan uga soo horjeestay qorshaha doorsahda MW Farmaajo.

Puntland waxay leedahay maamul sal adag oo muddo 20 sano ka badan dhisnaa, sidaas darteed falnqeeyeyaasha amnigu waxay aaminsan yihiin in uusan jiri karin walwal dhanka aminiga ah iyo in uu dagaal ka dhex qarxo, balse dhowr dhacdo oo ay ugu dambeysay khilaafkii baarlamaanka iyo madaxtooyada waxay muujisay in aan la fogeysan karin qalalaase siyaasadeed oo kadhaca Garoowe, Masuuliyiinta Punltand waxa ay eedda dhacdooyinkaan dusha uga rideen dowladda Federaalka oo ay sheegeen in ay dadaal iyo lacag ku bixineyso burburinta DG Puntland

Galmudug.. Dhuusamareeb mise Cadaado?

Inkasta oo madaxweynaha dowlad goboleedka Galamudug Ahmed Kaariye  uu dhoolatus weyn ka sameynayo siyaasadda Federaalka, caqabadaha ka heysta qabashada doorshada waa  ka badan yihiin gobollada kale, marka la eego jilicsanaanta amniga iyo dagaallada qabaa’ilka ee sii kordhaya.

Wararka la helay ayaa sheegay in uu Dhuusamreeb kabillowday guux siyaasadeed oo ah qorshe la hadal haayo oo madaxtooyada loogu rarayo Cadaado, kadib markii ay hoos u dhacday  kalsoonida Qoorqoor ku hays Dhuusamreeb  iyo amniga magaalada oo xumaanaya  kadib markii ay ku soo dhowaadeen xooggaga Al-shabaab oo weerar ka furiyay gagida diyaaradaha xilli uu Qoorqoor ka dhoofayay.

Walaaca amniga kaliya kuma koobna ee sidoo kale waxa jira  hadal heynta Moowshin ka dhan ah MW Qoorqoor oo ay gadaal ka riixiyaan  dhinacyo ay amid yihiin musharrixiinta madaxtinimada ee ka soo jeeda Galmudug oo howshiisi in muddo ah Muqdisho ka socotay.

Walwalka qalalaasaha la xiriira doorashada ayaa sidoo kale ka jira magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta labaad ee loo asteeyay in ay doorashadu ka qabsoonto, Galmudug oo lagu tirinayay deegaan uu MW Farmaajo ka heli doono kuraas badan ayaa waxaa soo muuqanaya isbedel degdeg ku fidiyay xaaladda wax badan ka bedeli kara.

Hirshabeelle… Carada Beledweyne iyo Xikmad la’aanta Guudlaawe

Muddo todobaad ku dhow waxaa Beledweyne ka socda mudaharaadyo rabshado wadata oo lagu diidan yahay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo qorsheynaya in uu xaflad caleemo saar ah ku sameysto magaalda Beledweyne.

Xiisadda ayaa salka ku heysa awoodqeybsiga beelaha Hirshabeelle oo wax laga beddelay kadib markii hal beel wada heshay madaxtinimada iyo magaalo madaxda maamul goboleedka oo dhammaan la aaminsan yahay in awoodihii ay ku wada uruureen Jowhar.

Beledweyne oo kamid ah meelaha loo asteeyay in xildhibaannada laga soo doorto ayaa wajaheysa masiir mugdi ah, waxaana suurtagal in uu dagaal sokeeye ka dillaaco, sida ay ka digeen siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka soo jeeda Beledweyne oo si xooggan uga hadlay sida ay wax u socdaan.

Awoodda CXD ee Baraawe iyo Kaalinta Ehtiopianka ku sugan

Labada goobood ee doorashada xildhibaadda Federaalka loo asteeyay ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed ee Baydhabo iyo Baraawe waxay wajahayaan xaalad amni oo dowladda Federaalka siineysa mudnaan sabab u noqon karta guusha xildhibaannada taageersan MW Farmaajo, balse madaxweyne Laftagareen waxa uu ka leeyahay aragti kale sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiskiisa.

Warar hoose ayaa sheegaya in Lafta gareen uu go’aansaday lana wadaagay MW Farmaajo in aan loo gacan dhaafin doorashada deegaanaddiisa, balse uu tixgelinayo codsigiisa, taas oo dhalisay walwal kale oo xalkiisu noqonayo in MW Farmaajo iyo kooxdiisa hubiyaan kuraasta taalla Baraawe oo aysan xoog badan gelin kuraasta Beydhaba.

Baraawe waxaa ku sugan ciidanka Xoogga oo maamul ahaan hoos yimaada taliska ciidanka, taas oo sahleysa in Federaalku saameyn xooggan ku yeesho amniga doorashada.

Dhanka kale ciidamada Ethiopian ka ah ee aan ku jirin AMISOM eek u sugan Beydhaba ayaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan dalkooda oo xiisado gudaha ah ka billowdeen, taas oo Iyana su’aalo badan gelineysa saameynta xooggan ee Villa Soomaaliya ku leedahay doorashada xubnaha baarlamaanka ee la filayo in ay ka dhacdo Beydhabo. Arrinkaan ayaa kordhinaya walwalka laga qabo isku dhac hubeysan oo ka dhaca Beydhaba iyo Baraawe sababtiisuna tahay doorashada.

Beelaha Gobollada Woqooyi iyo Midnimada:

Wax cusub maaha in kuraasta xildhibaannada gobollada Woqooyi uu saameyn weyn ku yeesho madaxweynaha markaas talada haya ee doonaya in mar kale la doorto, maadaama xulistu ka dhaceyso Muqdisho amnigana ay gacanta ku heyneyso dowladda Federaalka, balse sanadkan waxaa ka cusub in dhammaan kaadiriintii reer woqooyiga ee mudnimada u taagnaa ay bannaanka ka joogaan habraaca xulista ergada iyo sida ay doorshadaas u qabsoomeyso.

Kooxda uu hoggaaminayo Guddoomiyaha aqalka sare oo ay ka dhex muuqdaan xildhibaanno iyo wasiirro hore balse astaan u ahaa midnimada ayey u muuqataa in ay ka bixi doonaa, saaxada siyaasadda bedelkoodana ay geli doonaan dhiig cusub oo dhallinyaro iyo siyaasiyiin cusub ah.

Khattarta arrintan ka dhalan karta ayaa ah in dhammaan siyaasiyiintan ay dib ugu laabtaan Soomaaliland oo ay miisaan u yeelaan maamulka gooni isu taagga aaminsan ee Somaliland, halkaasna ay ku soo afjaranto qaddiyadda midnimada Soomaaliya.

Gunaanad:

Colaadda Gedo ee leh wejiga qabiilka, Kaalinta Kenya iyo Itoobiya ee colaaddaas, rabshadaha Beledweyne iyo go’aanka Guudlaawe oo taageere ka helaya MW Farmaajo, Xasaanad ka qaadka xildhibaannada Puntland ee gacan saarka la leh Villa Soomaaliya, Colaadaha qabaa’ilka Galmudug iyo qorshaha Qoorqoor ee Cadaado, Go’aannada cusub ee Laftagareen iyo qorsahda Baraawe iyo barabixinta kaadirka midnimo-doonka ah ee Soomaaliland waxa ay maangal ka dhigeysaa qeylo dhaanta mucaaradka ee ka digeysa dagaal sokeeye.

Xigasho: Mustaqbal Radio