Somaliland oo fariin cusub oo ka dhan ah Soomaaliya u dirtay Beesha Caalamka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo wareysi siiyey warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay inay Somaliland tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, isla markaana leh nidaam dawladinimo.

Wasiir Faratoon ayaa waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay ixtiraamto madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland, oo uu sheegay inay ka gudubtay nidaamkii qabaliga ahaa oo ay u gudubtay nidaamka Axsaabta badan.

“Somaliland waa dal jira, waa dal madax-banaan, waana dal leh nidaam dawladinimo, oo leh Calan uu ku qoran yahay magaca ugu qiimaha badan akhiro iyo adduunkaba oo ah tawxiidka ALLE lagamana yaabo inuu Calankani dhaco, Somaliland waa dal leh Madaxweyne la doortay oo Shacabkiisu si xor ah u doorteen” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Waxa kale oo uu ku dooday inay Somaliland xaq u leedahay aqoonsi caalami ah, isla markaana ay heli doonto, maadama uu sheegay inay wadaan dadaalkii ay ku heli lahaayeen, isagoona carabka ku adkeeyay in la xaq-dhowro qaranimada ay ku doodo Somaliland.

Faratoon ayaa ugu dambeyntiina sheegay in marnaba aysan gor-gortan ka galeyn jiritaanka Somaliland, wuxuuna bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo wada jir, kana feejignadaan wax kasta oo khatar ku ah masiirkooda.

“Beesha Calaamka waxaanu ugu baaqaynaa inay mar walba tixgeliyaan masiirka umaddayada iyo dawladnimada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somaliland iskamuu iman oo waxaa 97% ugu coddeeyey Umaddayada, cid wax ka beddeli kartaana ma jirto, jiritaanka Somaliland gorgortan iyo shaki lama gali karo, cid galin kartaana ma jirto” ayuu yiri.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, iyada oo inta badan xukuumadeedu ka hor timaada go’aanada dowladda federaalka, taasi oo ay ugu dambeysay magacaabistii Danjire Yuusuf Garaad.