Walaaca laga qabo safarkii madaxweyne Farmaajo ee Nairobi oo sii kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujinayo safarkii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo uu xumaa xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Xildhibaano kala duwan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay safarkii Farmaajo uu ku tagay Nairobi, iyaga oo sheegay in Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu ku guuleystay in arimaha jiro wadahadal lagu dhameeyo.

Siyaasi Jaamac Xasan Khaliif oo kamid ah siyaasiyiin marar badan Musharax soo noqday ayaa sheegay in walaac ay ka qabaan safarka Nairobi, haddii ay dhab tahay in la ogolaatay in Kiiskii badda Somalia wadahadal lagu dhameeyo.

Jaamac Khaliif, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay qaadan doonaan go’aan cad haddii ay dhab tahay in Kiiskii badda la ogolaaday in qaab wadahadal ah lagu dhameeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in marnaba wax gorgortan ay aysan ka gali doonin dacwadda Badda ee Kenya iyo Somalia u dhaxeysa, taasi oo hadda taala maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ.

Sidoo kale xisbiga Wadajir ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan wadahadalkii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana qoraalka lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin in loo cadeeyo waxyaabaha laga wada hadlay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com