Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhaxeeyay laba maleeshiyaad beeleed.
Dagaalkan oo ka dhacay deegaanka Bashaqle ayaa la sheegay inuu sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khilaaf xoogan oo ku saabsan guddoomiye waaxeed cusub, kaas oo dhawaan guddoomiyaha degmada Warsheekh u magacaabay deegaanka Bashaqle. Khilaafkan ayaa sababay isku dhac culus oo labada dhinac ku dhexmaray deegaanka.
Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo uu ku jiro Muuse Xaadoole, oo ah walaalka Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo kala dhex galay maleeshiyaadka si ay u joojiyaan dagaalka una xaqiijiyaan nabadgelyada deegaanka.
Bashaqle ayaa ah deegaan muhiimad leh, iyadoo loo qorsheeyay in laga dhiso garoon casri ah iyo deked cusub oo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Muqdisho.
Dhacdadan maanta ayaa sidoo kale muujinaysa baahida loo qabo in si degdeg ah loo xalliyo khilaafaadka beeleed ee ka dhaca gobollada dhexe, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nabadgelyo u horseeda bulshada deegaanka.

