31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Iiraan oo ku dhawaaqday go’aan ku saabsan marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Ciidamada Iiraan ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan oggolaan doonin xitaa hal litir oo shidaal ah inuu maro marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz haddii uu ku wajahan yahay Mareykanka, Israel ama xulafadooda.

Arrintan ayaa lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay taliska hawlgallada milatari ee Iiraan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in maraakiib kasta ama doonyo shidaal sida oo la xiriira Mareykanka, Israel, ama waddamada ay xulafada yihiin loo tixgelin doono bartilmaameed sharci ah oo la weerari karo haddii ay isku dayaan inay maraan marinka Hormuz.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhalatay xaaladda dagaal ee ka dhex taagan Iiraan iyo dalalka reer galbeedka.

Iiraan ayaa si cad u sheegtay inay xannibi karto dhoofinta shidaalka haddii weerarrada Mareykanka iyo Israel ay sii socdaan, iyadoo tilmaantay in aysan oggolaan doonin “xitaa hal litir oo saliid ah” inuu ka baxo gobolka.

Marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin badeed aad u muhiim ah oo isku xira Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan, waxaana la sheegay in qiyaastii 20% shidaalka adduunka uu maalin kasta ka gudbo halkaas, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee tamarta dunida.

Khubarada tamarta ayaa ka digaya in haddii marinkan si buuxda loo xiro ay si weyn u saameyn karto suuqyada shidaalka caalamka.

Wararka ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in xiisadda gobolka ay sii kordhayso, iyadoo dhowr maraakiib ah lagu weeraray gudaha marinka Hormuz, halka ciidamada Mareykankuna ay burburiyeen doonyo Iiraan lahayd oo la sheegay inay miinooyin dhigayeen badda.

Dhacdadan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in khilaafka uu saameyn weyn ku yeesho ganacsiga iyo gaadiidka badda ee gobolka.

Xiisaddan sii xoogaysanaysa ayaa keentay in dowlado iyo hay’ado caalami ah ay ka digaan khatar ku iman karta sahayda shidaalka ee caalamka, maadaama marinka Hormuz uu yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee dhoofinta saliidda ee Bariga Dhexe.

Si kastaba, hubanti la’aanta ku xeeran awoodda lagu kala gudbin karo shidaalka ee marinkan ayaa u muuqatay inay abuurtay isbeddel xooggan oo ku yimid suuqa saliidda cayriin, iyadoo qiimaha shidaalka uu si xowli ah kor ugu sii kacayo.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News