29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Xasan Sheekh, Abiy iyo Geelle oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Jabuuti + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa caawa kulan saddex-geesood ah ku yeeshay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Kulankan ayaa lagu xoojiyay iskaashiga wadajirka ah ee saddexda dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha amniga gobolka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha saddexda dal ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada-hadlay dagaalka argagixisada, dadaallada Soomaaliya ee dimuqraadiyeynta, xasilloonida Geeska Afrika, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhaqaale ee dalalka gobolka, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga, ganacsiga iyo fududeynta isu-socodka dadka iyo badeecadaha.

Madaxda ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka Geeska Afrika, si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka loona abuuro fursado dhaqaale oo waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti martigelinta kulankan, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii joogteynta wada-tashiyada iyo iskaashiga lagu xoojinayo xiriirka dalalka gobolka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli colaadda Bariga Dhexe ay sii xoogeysanayso, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo xaaladda amni ee gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News