Wallee ITOOBIYA siday is moodsiisay ma ahan.!!

Wax is bedelay oo weyn ma jiraan, annaguna Soomaali baan nahay iyguna waa Itoobiya, labadeenna dalna waa isku yaalaan oo Allaah baa deris innaga dhigay, waliba deris aan is jeclayn, kaaga daranee haddaan lays  jeclayn qaynuun iyoo xeerar baa lagu kala badbaadaa laakiin taasna Itoobiya waa ku qanci waysay!… markaas shaki  la’aan Soomaaliya waxa ay dhinaca Itoobiya ka fili karayso waa cadaawad, waxayna ku qasbantahay inay u toog hayso  cadaawaddaas aan lahayn meel ay ku dhammaato!.. mar kasta waxa dhaca ama colaadda labada dal waxay ka bilaabataa qab aan xaqiiqo ku salaysnayn oo dalalkii guumeystayaasha ahaa  qaarkood ay dabada ka riixayaan oo Itoobiya ku soo dhiiri geliyaan inay Soomaaliya colaadiso, daandaansato, dagaal ku soo qaado, laakiin mar kasta natiijada waxba kama aysan bedelayn xaaladda Soomaaliya, mana dhicin inay qaadato qab iyo gar darro uga yimid Itoobiya ama dal kale… waxaana arrin lala yaabo ah in Itoobiya aysan wali waxba ka bedelin  siyaasadda noocaas ah, iyadoo isku helaynaysa wali taageerrada guumeystayaashii  awalba dabada ka soo raxiiyay!…

Run ahaan khariidaddii ay wazaaradda arrimaha dibada Itoobiya ay boggeeda ku faafisay waxay ahayd dagaal bareer ah oo ay ku soo qaaday Soomaaliya, waxay meel ka dhac ku ahayd qaranimmada iyo sifaha dowladanimo ee Soomaaliya! Waxaana arrin lala yaabo ah in ilaa iyo hadda aysan madaxda Soomaaliyeed arrintaas haba yaraatee waxba ka oran, marka laga reebo xubno ka tirsan golaha shacabka iyo guud ahaan dad-weynaha Soomaaliyeed oo aad uga carooday kun tilmaamay baaq colaadeed oo Itoobiya ka dirayso, waxaana arrin xiiso leh ahayd in maamulka Woqooyiga Soomaaliya aysan Itoobiya ku darsan dal balaarsiga madax maray ee ay ku muujisay sida ay doonayso inay isugu soo baalariso dhulka Soomaaliya!…waxaana loo qaadan karaa khariidadadda inay bannaanka soo dhigtay wax badan oo ay huurinayeen shirarkii Addis Ababa ka dhacayay ee  Abiy iyo Farmaajo!…

Soomaaliya  marka laga soo tago burburka ku dhacay  waa la garbo duubay si  ku talo gal ah oo qorshaysan, walina qorshahaas waa ku socdaa. Sanadii 2007-dii waxa la keenay  ciidamo lagu sheegay inay dowladda Soomaaliya u adeegayaan oo ammaankeeda ilaalinayaan, muddada ay joogayaaanna lagu sheegay 6 bilood oo keliya, laakiin ciidammadaa soo ilaa maanta jooga shaqadooda iyo danta  runta ah ee laga lahaa waxay ahayd in lagu cabburiyo ummadda Soomaaliyeed, si hubaka looga dhigo, oo loo xaddido dhaqdhaqaaqooda, looguna taliyo sidii la doono,  iyagoo aan waxba diidi karayn!… tallaabadaas waxay keentay in dalalkii Soomaaliya muranka xagga xudduudaha iyo colaadda ay kala dhexeyay   ee Itoobiya iyo Kenya ciidamadoodii la soo sharciyeeyay oo la soo geliyo gudaha Soomaaliya…waxyaabaha aan maanta  arkayno ama aan ka maqlayno dalalka huwanta ah ee duulaanka ku ah Soomaaliya, haddii ay tahay Itoobiya, Kenya, Midowga  Immaaradaha Carabta, Sacuudiga iyo dalal kale oo badan, xataa shakhsiyaad iyo shirkado  aajnabi ah oo maanta shanta kula jira arrimaha Soomaaliya, waxay qayb ka ahaayeen qorshaha loogu magac daray Nabad-Ilaalinta!

Intaan la keenin ciidammada laynoo baray inay danaha qaranka Soomaaliyeed  iyo ammaankiisa u adeegayaan ee AMISOM  10 sano iyo dheeri  ka hor bay ciidammada Itoobiya  waxay ku jireen gudaha Soomaaliya, waxayna kaalin buuxda ku lahaayeen colaadihii iyo  iska hor-immaadyadii kooxihii ku dagaalamayay dalka, waxaana fasax ay ka haysteen dhammaan Qarammada Midoobay, Midowga Afrika, iyo guud ahaanba caalamaka iyadoo lagu sababaynayo inay ammaankeeda u cabsanaysa, oo kooxo loogu yeeray Xag-Jir  oo argagixiso ah xudduudaheeda uga soo tallaabeen dhinaca Soomaaliya…waxaana si cad loogu garab istaagay inay meel kasta oo dhul-weynaha Soomaaliya ka mid ah ugu geli karaan cid kasta oo ay ammaankeeda uga baqayso, wixii dhacayna waa la ogaa! 1996kii markii ugu horeysay ee ay soo galeen gobolka Gedo xataa  caruur iyo haween bay guryahoodii ku dhex laayeen, waxayna dhaceen oo boobeen hanti faro badan, waxaana loo sharciyeeyay inay waxay doonto ka dhex samayn karto! Waxaa cuna-qabatayn xagga hubka ah lagu soo rogay Soomaaliya iyadoo layska dhigayo nabad gelyadeeda loogu danaynayo, isla markaasna waxaa lagu fasaxay hubkii faraha badanaa ee sida lacag la’aanta ah ay ciidammada Itoobiya ugu qaybinayeen kooxihii dalka ku dagaalamayay! Illaa maalintaas hamiga Itoobiya wuu iska caddaa shacabka Soomaaliyeedna wali feejignaantii ayuu qabaa mana mooga in cuna –qabataynta la saaray ay ahayd in loo garba duubo abeesooyinka xaska u soo jiifa oo ay ugu horeeyaan  kuwa aan deyrka wadaagno!…

Sida dadka Soomaaliyeed ama warbaahinta qaarkeed ay u fasireen ma ahayn sir la qarinayay khariidaddii wazaaradda arrimaha dibadda Itoobiya shalay laga daalacday boggeeda rasmiga ah, laakiin waa xaqiiqda ka dambaysay xiriirada iyo is-xulufaysiga cusub ee dhex maray dalalka Masar, Midowga Immaaradaha Carabta, Sacuudiga, iyo dalal kale oo waaweyn,  raali gelinta ay dowladda Itoobiya bixisayna waxba kama bedelayso ujeeddadii khariidaddaas loo sameeyay, shacabka Soomaaliyeedna wax ku cusub ma ahayn tilmaanta iyo farriinta ay khariidadda lagu muujiyay, waxaase la oran karaa in kharidaddas bannaanka si rasmi ah loo soo dhigo waxaa soo dedejiyay xiriirka qarsoon ee sida gaarka ah ugu dhexeeya Farmaajo iyo wiilkaan aan wali jaro baran ee Abiy Axmed oo iyagu waxyaabo khayaali ah oo aysan labadoodaba awood u lahayn sacabbada isku saaray!… waxaana ayaan daro weyn ah oo mar kasta soo noqnoqota in nin kasta oo la soo doorto ama hoggaanka dalka loo dhiibo uu yahay nin ciil qaba ama raba inuu ka sara maro sharciga iyo qaynuunka sidaasna cadowgii ummadda garab ka soo dhigta oo  ku soo hoggaamiya dalka!…

DHibaatada Geeska Afrika, ama Soomaaliya iyo dalalka ay deriska yihiin waa mid waligeed jiri doonta, taasi macnaheeda ma aha in dadka Soomaaliyeed aysan ahayn dad deriska xaq-dhowra, laakiin macnaheeda waxaa weeye dadka Soomaaliyeed waligood ma qaadan mana qaadanayaan kibir iyo gar-daro, Itoobiya iyo Kenyana kama weynaanayaan guumeystaal mar walba gadaal ka soo riixa oo ay taladooda ku soo duulaan!…Kenya biyaha Soomaaliya ayeey ku waalatay, waxaana ku dhacay cudur waali ah oo ay ilowday dhammaan wixii aan abaal u haynay iyo wanaaggii labada shacab dhex maray intii dadka Soomaaliyeed ay u qaxeen dalkeeda, waalidaas xaggee bay ka timid?! Ma is weydiisay?… iyadana khariidad cusub bay samaysatay oo ay xudduudda Soomaaliya bad iyo dhulba (berriga) 500 km gudaha u soo gashay!…KHariidaduhu ma yara!…SHeegashada Kenya ee biyaha Soomaaliya waxay ka dambaysay colaaddii dowladda Norway u qaaday dowladdii Soomaaliya ka dib markii lagala noqday heshiiskii ay ku qodi lahayd shidaalka lagu sheegay inuu ku jiro gunta badda koonfureed ee Soomaaliya xilligii Siyaad Barre.

Markay dowladdii Soomaaliya burburtay, Norway waxay isla markiiba u isticmaashay Kenya sabab ay ku qodi karto shidaalkii ay horay uga sahmisay gunta badda koonfureed ee Soomaaliya,  waxaana la diyaariyay shirqool loogu magac daray Memorandum Of Understand si loo helo sabab ay Kenya ay ku sheegan karto lahaanshaha biyaha guntooda shidaalka lagu sheegay, ama ay  ugu qabsan karto Soomaaliya, kaasoo bishii April 7dii, 2009kii ay Nairobi ku wada saxiixdeen labada dal…Kenya intaas kuma qancin ee si ay u sugto shirqoolkaas (MOU) inuu dhaqan galo Oktoober 16dii, 2011kii waxay ku dhaqaaqday  hawl gal ay ku magacowday  Linda Anchi  (Difaac Dalka) oo ay  ciidammadeeda ku soo gelisay Soomaaliya iyadoo isticmaalaysa isla sababtii ay Itoobiya ku soo gashay Soomaaliya ee ahayd inay ammaankeeda uga baqayso argagixiso, markii dambana si joogitaanka ciidamadeeda ay u noqdaan mid qaynuun ah oo la aqbali karo, bishii March, 2012kii waxayciidamadeeda  ku biireen askarta shisheeyaha ee lagu sharciyeeyay magaca AMISOM,  waxaana xusid mudan in soo gelitaankii ciidammada Kenya ee Soomaaliya ay isla markiiba taageertay dowladda Israa’iil iyadoo isla markaasna sheegtay inay gacan buuxdo ka siinayso xagga difaaca taba-barka iyo qalabka ciidammada.

Soomaaliya dalkeeda way haysataa wayna taqaan, KHariidaddii is balaarinta ahayd ee wazaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay ku faafisay boggeeda rasmiga ah waxay ahyda masawirka runta ah ee  caqliga iyo fikradda dowladda Itoobiya!…laakiin annag iyo Itoobiya layskuma kaayo xuuxinaayo! Waxaana arrin lagu farxo ah in shacab weynaha Soomaaliyeed meel uu joogaba ka dheregsanyahay siyaasadaha ku hareeraysan dalkooda dhiiggoodana uu ku qiimaysanyahay dalkooda, waana taas midda ay habeenkii ku seexdaan ilamaha yar-yar iyo haweenka Soomaaliyeed, waana taas nicmmada Alle siiyay ee ay ku ledaan!…Itoobiya cadaawaddeda waa ka weyntahay khariidadaas, waxaana nasib daro ah wali inaysan ka waantoobin nacaybka aan sababta lahay iyo colaadda joogtada ah ee ay u hayso dadka iyo dalka Soomaaliya!…AMISOM maalin asta ma muddadaa loo kordhinayaa?!…Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu wan-qali!…

W/Q: Axmed-Yaasin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid