Nimco Cumar Shire oo la dilay xilli ay kasoo baxday masjid ay kusoo tukatay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay magaalada ku dileen gabar kasoo baxday masaajid, salaadii Taraawiixda kadib.

Dilka oo ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ayaa loo geystay gabar 22 sano jir aheyd oo la sheegay inay kasoo baxday Masjid ku yaala xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Gabadha oo lagu magacaabo Nimco Cumar Shire “Xuur” .ayaa la sheegay in dilkeeda loo adeegsaday aalaada Tooreyda, waxaana kadib goobta ka baxsaday dadkii dilka ka dambeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in marka Hore Nimco, dhaawac daran uu kasoo gaaray Tooreyda Dhuunka kaga dhacday, waxaase ay markii dambe ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada.

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka xanuunka badan ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkeeda ka dambeysay.

Ciidamada ayaa saaka baaritaano ka wada xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana ay baadi goobayaan rag dhalinyaro ahaa oo la sheegay inay falka ka dambeeyeen.

24-kii February magaalada Gaalkacyo waxaa Kufsi uu dil xigay loogu geystay gabar 12 Sano jir eheyd, taasoo lagu magacaabi jiray Caasha Ilyaas Aadan, iyadoo ragga dilkeeda ka danbeeyay oo Saddex ahaa ay yihiin xukun sugayaal maadaama dil toogasha ah lagu xukumay.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com