25.1 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Dal kale oo YURUB ah oo sheegay inuu aqoonsaday baasaboorka Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Amsterdam (Caasimada Online) – Dowladda Holland ayaa waxa ay aqoonsatay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Soomaaliga ee la siiyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Soomaalida.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray”.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News