Xuseen tag saameyna reeb

Xuseen Maxamed Nuur ayaa loo magacaabay gudoomiye kuxigeenka dhanka maamulka iyo maaliyada ee gobolka banaadir 21 january 2018 markaas uu madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo is bedel guud ku sameeyay dhamaan maamulka sare ee gobolka Banaadir.

Xuseen ayaa hore xil dowladeed u soo qaban ka hor magacaabistiisa madaxweynaha u magacaabay gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyada ee gobolka Banaadir, inta aan loo magacaabin xilkaan ayaa waxa uu ka soo shaqeeyay Erdogan hospitalka (Ex.  Digfeer) oo uu ka ahaa agaasimaha guud.

Xuseen ayaa waxbarashadiisa kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoo markuu dalka kusoo laabtayna noqday agaasimaha guud ee isbitaalka Digfeer.

Aniga iyo Xuseen Is Barashadeenii.

Waxaan Xuseen bartay kadib marka uu gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir noqday anigana aan markaas ka tirsanaa gobolka Banaadir, markii la soo magacaabay Xuseen ayaa sida caadada ah marka qof cusub loo magacaabo institutions ka dadka ka shaqeeyo waxay raadiyaan qofka la soo magacaabay dabeecadahiisa, hab-dhaqankiisa iyo taariikhii hore uu qofkaasi lahaa, waxaana raadiyay warbixin la xiriirto Xuseen waa qof noocee ah durbadiiba waxaan la kulmay nin aan saaxiib ahayn oo ii sheegay inuu yaqaan Xuseen waxa uuna ila wadaagay inta uu Xuseen ka yaqaanay waxaana ka mid ahaay wixii uu ila wadaagay qodobadaan.

  • Xuseen inuu yahay qof ku wanaagsan maamulka iyo maaliyada kana soo bixi karo shaqada loo idmaday.
  • Waxuu kaloo ii sheegay inuu yahay nin shaqo badan oo dulqaad u leh inuu shaqeeyo waqti ku dhow 18 saacadood waxuuna ii sii raaciyay in mudadii uu agaasimaha Digfeer ka ahaay xitaainuu dhex jiifan jiray gudaha Isbitaalka
  • Waxuu ii sheegay in sidoo kale in Xuseen uu yahay nin ku ad adag go-aankiisa oo meesha uu ku dhago aan laga fujin karin
  • Waxyaabahii uu ila wadaagay waxaa ka mid ahayd inuu ii sheegay in Xuseen lagu xanto inuu yahay nin u xagliyo reerka uu kasoo jeedo marki la fiirsho dhinaca fursadaha kasoo baxay isbitaalka Digfeer mudadii uu agaasimaha guud ka ahaa dadki uu siiyay inay u badnaayeen reerkiisa.
  • Arrinta kaliya ee aan ka naxay ayaa ahayd inuu Xuseen si ad adag ula dhaqmo shaqaalihiisa, isla markaana haddii qofka isaga la shaqeeya uu  noqdo qof amaradiisa jebiya, waajibaadkiisana fulin uu si arxan daran ula dagaalo, arrintaas oo cabsi iyo wal wal igu abuurtay, maadaama uu yahay madaxdeyda shaqo wadaaga aan nahay.

Marka intaas laga gudbo, waxaa xilkii la wareegay maamul cusub ee loo soo magacaabay gobolka Banaadir kadibna waxaa bilawday shaqooyinkii caadiga ahaa ee Gobolka.

Kulankeeni u horeeyay aniga iyo Xuseen.

Kulankeenii ugu horeeyey waxa uu ahaa subax barqo ah isaga uu xafiiskiisa fadhiyo lana qabsaday shaqadiisa uu ku cusbaay waxaa ag taagnaa oo uu sii sagootinaayey nin aan aad u garanaayo oo saaxiibkey ahaay asigana ka tirsanaay maamulka dhexe ee gobolka Banaadir oo aan ula jeedo marki aan dhahaayo maamulka dhexe inuu  ahaay shaqsi agaasime ka ah gobolka Banaadir , kadib waxaa isa salaanay agaasimaha oo usii hinqaday dhinaca albaabka si uu u baxo intaas kadib waxaa si dhoola cadeyn leh ii dhahay soo fadhiiso guddoomiye Xuseen oo wejigiisa farxad ka muuqatay waxaan fadhiistay kursi agtiisa yaalay isbarasho kadib waan sheekeesanay waxuuna iga wareestay shaqada aan haayo iyo marxaladaha ay soo martay marki aan la wadaagay kadib waxuu iigu jawaabay ( waxaad heysaan shaqo adag adinka oo ku shaqeynaayo daruufo adag waxaan kuu ballan qaadayaa in aan garab istaago xafiiskaan oo  shaqo muhiim ah ummada u hayo), waxaa aamini waayey sida Xuseen iila macaamilayo waqtigaas iyo sida markii hore la iigu sheegay waxaan ku dhiiraday in aan la wadaago caqabad xafiiska aan ka shaqeenaayey heysatay oo u baahneyd xalinteeda dhaqaale iyo awood maamul isla markiiba waxuu si fudud iigu jawaabay soo qor ee ii soo gudbi anigaa xalinaayo.

Kulankeeni labaad.

Waxaa u keenay qoraalkii uu iga codsaday si uu wax uga qabto caqabadaas oo ahayd mid shaqadeena cuuryaamineysay waxuu si degan u aqriyay warbixintii qoraalka ahayd markii uu dhameestay kadib waxuu iga weydiiyay labo su’aalood markii aan jawaabahooda siiyayna waxuu saxiixay warqadii oo noo amray in la siiyo waaxda dhaqaale ee u baahneed si ay shaqada u socoto, waxuuna markii la hadlay nin taliye ahaay oo shaqada caqabad ku ahaay waxuuna ku wargeliyay dowlada hoose shaqadeeda inay ayada qabaneyso farahana uu kala baxo.

Waxaan la dhacay sida uu durbadiiba go’aan u qaatay hadana go’aankii uu u fuliyay uusan kaliya ka ahayn go’aan af  ah sida aan ku aqaanay madaxdii isaga ka horeesay oo xoogaa ka caga jiidi jiray inay la hadlaan ninka taliyaha ah maadaama uu ahaay shaqsi hub fara badan heesto isla markaana saaxiib la ah qaar ka mida madaxda sare ee dalka.

Inti aan la shaqeenaayey wixi aan ka bartay.

Xuseen waxaan ku bartay inuu yahay nin howlkar ah, cod kar ah, go’aan qaadasho wanaagsan, habdhaqan wanaagsan iyo gacan furnaan oo runtii astaan u ah hogaamiyaha wanaagsan.

Waqtiga uu shirarka asiga ka yahay shir gudoon ha noqdaan shirarka guud ee Gobolka iyo kuwa maamulka iyo maaliyada waxay ahaayeen shirar la xiiseeyo sababtuna waxay ahayd shirarka uu shir gudoominaayo waxay ahaayeen kuwa mira dhal ah oo wax faa’iido u leh maamulka gobolka kasoo baxaan, waxay kaloo ahaayeen kuwa ku saabsan isla xisaabtan oo agaasimayaasha iyo gudoomiyayaasha degmooyinka marka ay soo aadaayaan ay hore usoo qaataan warbixino tifatiran si ay isaga difaacaan su’aalaha iyo isla xisaabtankiisa.

Waxaan kaloo ku xasuustaa inuu ahaa nin macaamil fiican oo la macaamiilo saqiir iyo kabiir ama shaqaale illaa iyo agaasime ay aad u jecalaayeen, waxuu ahaa shaqsi caawiyo qofkii uu dhib ku dhaco waxuu kaloo ahaa gudoomiye badbaadiya markii shaqaalaha ama agaasimayaasha asiga hoos taga qalad ka dhaco isla markaana digniin siiyo qofka qalad ku dhacay si uusan mar danbe ku dhiiran inuu danbigaas mid la mid ah ku dhaco.

Shaqaalaha waxuu kula dardaarmi jiray in daacad loo noqdo Nidaamka dowliga ah, si daacadnimo ku jirtona loo guto waajibaadka loo idmaday, maadaama ay mushaar  ka qaataan dowlada oo mar walbo laga rabo inay  dowlada gaashaan u noqdaan.

Xafiiska Xuseen waxuu ahaa xafiiska ugu mashquulka badan gobolka waayo waxuu ahaa xafiis qof walbo u furan madax, shaqaale iyo shacab.

Waxuu ahaa qof ay adagtahay marka uu xafiiskiisa fadhiyo inaa u heshid waqti badan mashquulka xafiiskiisa ka jira dartiis iyo cariiriga waqtiga ee asiga heesto.

Intaas kadib Xuseen waxaan u rajaynaa musqtaqbal wanaagsan waxaana aragtidayda marki aan cabiro ay ila tahay in ay adagtahay gobolka Banaadir inuu mar kale  helo mas’uul Xuseen la mid ah ama u astaamihiisa oo kale leh

Waxaan rabaa inaan ku soo gabagabeeyo, oraah igu soo dhacday habeenkii ay I soo gaartay xil ka qaadistiisa, oo ah (Xuseen tag, saameyna reeb!!!.

W/Q: Shaafici Saalax
shafici698@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid