Jiritaanka Somaliland waxa uu ku xiran yahay caaradda qalinka FARMAAJO

Waa run ee rumayso in jiritaanka Somaliland (SL) uu ku xiran yahay caaradda qalinka Farmaajo, waxa keliya ee looga baahan yahayna waa inuu qaato go’aan dhiirran oo uu maamul ugu samaynayo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC).

Waxa is waydiin leh sababta Madaxweyne Farmaajo uu ugu dhiirran la’ yahay inuu qaato go’aan noocaas ah oo sugaya midnimada Soomaaliya oo uu maamul ugu samayn la’yahay gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo dadkoodu aad u taageeraan Dawladda dhexe iyo midnimada Soomaaliya, labada.

Haddii Madaxwayne Farmaajo maamul u sameeyo goballada SSC, uma uu baahdeen inuu waan-waan la galo Somaliland, waxaana meesha ka bixi lahaa riyada SL ee ah inay go’i karto oo noqon karto waddan gaar ah.

Samaynta Maamulka SSC Wa Furaha Midnimada Soomaaliya

Dadka dega gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) waa dad taageero wayn u haya Dawladda dhexe ee Soomaaliya, aadna ay ugu wayn tahay midnimada Soomaaliya, laakiin ilaa iyo hadda aan ka helin dawladda dhexe ee Soomaaliya wax tageero ama ictiraaf ah. Sidaas oo ay tahay mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya kama galaan gor-gortan inkasta oo gobolladooda ay xoog ku haystaan Maamulka Somaliland oo raba inuu ka go’ Soomaaliya.

 Muxuu ka Baqayaa Farmaajo?

Ilaa iyo hadda waa la garan la’ yahay waxa uu ka baqayo Farmaaho oo uu tallaabo uga qaadi la’ yahay dib u midaynta Soomaaliya.

Madaxwaynuhu miyuusan ogayn in iyada oo aan dhiig la daadin, dhaqaale badanna lumin uu u soo de-dejin karo dib u midaynta dadka iyo dalka Soomaaliya, keliya waxay ku xiran tahay inuu saxiixo in gobollada SSC ay yihiin maamul goboleed cusub oo ka tiran dawladda dhexe ee Soomaaliya, markaa ka dibna uu xal u raadiyo shacabka midnima doonka ah ee reer Awdal, Burco, iyo degaannada kaleba.

Tusaale ahaan, haddii Sool, Sanaag, iyo Cayn maamul loo sameeyo, maamulka Hargeysa wuxu lumninyaa dhul badan oo uu hadda xoog ku haysto, shacabkooduna aaminsan yahiin midnimada dalkooda. Ka dib waxa Somaliland u so haraya dhul ka yar afar-meelood-oo-meel dhulka hadda ay haysato, dawladda dhexena waxa ka fududaanaya culayaska iyo shuruudaha Somaliland la timaaddo miiska wada hadalka, loomana baahanayo wax waan-waan ah oo macna wayn leh in lala galo maamulka Somaliland, waayo mar haddii Sool, Sanaag , iyo Cayn ay ka hoos baxaan maamulka Somaliland oo  ay yeeshaan maamul gaar u ah iyaga waxaa wiiqmaya jiritaanka Somaliland, iyo ismoodsiiska ah inay dal gaar ah yihiin ama noqon karaan.

Maxa Dhacaya Haddii Maamul Loo Saymayn Waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn?

Haddii Madaxweyne Farmaajo maamul u samayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn waxa Soomaaliya soo gaarindoona fashilkii ugu waynaa taariikhdeeda, Farmaajana wxuu taariikhda ka gali doonaa baal madow haddii kala go’ dhaco xilli uu isagu Madaxweyne Soomaaliyeed aha, iyadoo shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba (gaar ahaan shacabka Awdal, Sool, Sanaag, iyo Cayn) ay u harraadan yihiin dawladnimo, midnimo, horuman, ammaan.

Waxa shaki la’aan ah in ilaa iyo hadda uusan Farmaajo muujin karti hogaamiye waddani ah oo ka dhabeeya rabitaanka shacabka doonaya soo celinta karaamada iyo midnimada dalkooda.

Gumaysigii Reer Yurub Ka Hor Degaannada Somalida Ma Xuduuda U Dhexeeyay?

Ka hor 1880-aadkii (the scramble for Africa), ma jirin wax la oran yiraahdo British Somaliland, Italian Somaliand, French Somaliland, Ogaden, or NFD, ama xudduudo u dhexeeya dadka iyo degaanada Soomaaliya.

Laakiin markii Ingiriisku uu yimid xeebaha waqooyi ee Soomaaliya ayuu heshiis la galay qabiillada Isaaqa, Gadubiirsayga, Ciisaha, iyo Warsangaliga. Dhulka qabaa’ilkaas degaana waxa loo bixiyay British Somaliland.

Qabiilka Dhulbhantuhu qayb kama ahay heshiisyadaas. Sidaa awgeed, mar haddii uusan Dhulbahante qayb ka ahayn heshiisyada Ingriiska iyo qabaa’illada kale wada galeen, sheegashada Somaliland ee goballada SSC waxay noqonaysaa sheegasho aan sal-iyo-raad sharci toona lahayan.

Imaanshihii isticmaarkii Ingriiska ka hor, waddanka Soomaaliya waligii wu jiray waxana degganaa oo iska lahaa Soomaali ku wada nool nabad iyo dhaqan wanaagsan, isuna ah xidid, xigaal, iyo xigto.

Fikradda ku salaysan xudduudihii gumaystuhu sameeyay oo iyagu ay ku qaybsadeen Soomaaliya in laga dhigto bar tilmaameed (reference point) wax walbana looga cabbir qaato oo ictiraaf iyo magac dawladnimo lagu raadiyo soohdimo gumaysi dhoo-dhoobay waa fikrad qurmuun (rotten logic).

Qofkii raba inuu ogaado ciddii lahayd ama degganayd dhulka Soomaaliya iyo in xuduudo dadka u dhexeeya inay ka jireen iyo in kale ha akhriyo (The first footstep in East Africa, By Sir Richard Francis Burton, published in 1856).

Maxaa La Gudboon Madaxwaynaha?

Madaxwaynuhu waa inuu ogaado in ay maaweelo waqti lumis ah tahay inu wada hadal la galo maamulka Somaliland haddii maamulka SL uusan rabin wax aan ahayn go’itaan.

Wuxu mudan yahay Madaxwaynuhu uu u muujiyo ummadda Somaliyeed in jileeca lagu xanto aan waxba ka jirin, gaar ahaan markay arrintu taagan tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana uu qaadan karo go’aan kasta oo sugaya midnimada waddanka.

Madaxwaynuhu waa inuu ogaado in haddii uusan mawqif iyo tallaabo cad ka qaadan arrinta midnimada Somaliyo uu isagu sabab u noqon doono bur-burka iyo kala go’a Soomaaliya, xilli isagu madaxwayne yahay.

Madaxwaynuhu wa inuu ogaado in haddii uu maamul u samayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn uu  geli doono waan-waan iyo wada hadal aan dhamaad lahayn, natiijo wanaagsan dhali doonin, miro wanaagsanna ka soo bixi doonin.

Madaxwaynuhu waa inuu ogaado inay ku fiican tahay in wada xaajood lala galo cid waxna oggol waxna ka tagi karta, laakin maamul tiisa uun u caddahay uu khaatumada ku seegi doono, fashilna kala kulmi doono.

Sidaa awgeed baanu waxaan leenahay, Khaatumada Madaxweyne Farmaajo waxay ku xiran tahay guusha uu ka soo hoyo midnimada Soomaaliya isla markaana uusan isagu noqon madaxwaynaha xilka haya marka Soomaaliya burburto. Taasina waxay dhici kartaa oo keliya haddii uu maamul u sameeyo dadka dega goballada taageersan dawladda dhexe iyo midnimada Soomaaliyaba.

Halkee Madaxwayne Farmaajo Ka Geli Doonaa Taariikhda Soomaaliya?

Madaxwaynaha isaga gacantiisa ayay ku jirtaa baalka uu rabo inuu taariikhda Soomaaliya ka galo. Wuxu noqon karaa mid la mahadiyo ama, wuxu noqon dhaxal sugaha bur-burka Soomaaliya oo cid waliba habaarto.

Isagoo oo qura ayaa taariikhda Soomaliya iska gelin kara baal madow ama mid dahabi ah.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid